Image may be NSFW.
Clik here to view.Muqdisho(RBC Radio) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in la maalgaliyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si ay uga taqalusto kooxda Al-shabaab wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo waraysi siinayey Tvga ABC News ee dalka Marayanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay u baahan tahay taageero buuxda oo caalami ah si ay uga adkaato Al-shabaab oo uu sheegay iney khatar ku yihiin amniga dunida oo idil.
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in dowladiisu aysan doooneen diyaaraha dagaalka iyo sawaariiqda waaweyn balse ay u baahan yihiin hub ay kula dagaalamaan Al-shabaab,wuxuuna ka dhawaajiyey in cududa ciidanka Soomaaliyeed ay ku tiirsan tahay qoriga AK47 oo uu sheegay inuusan ku fileen dagaal lagu ciribtiro AL-shabaab.
Fiqi ayaa caalamka ka dalbaday iney usoo jeestaan sidii Al-shabaab looga tirtiri lahaa dunida,wuxuuna hoosta ka xariiqay in sida kaliya ee Al-shabaab looga adkaan karo iney tahay dhisidda cududa ciidanka qaranka Soomaaliyeed,wuxuuna shaaciyey iney caalamku marqaati ka yihiin in qatarta Al-shabaab ay ka baaxad weyn tahay sida la moodayo ayna u baahan tahay in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa.
Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyey in dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay ciribtirka kooxda Al-shabaab oo uu tilmaamay iney halis ammaan ku ahayn Soomaaliya oo kaliya.
RBC Radio