Garoowe (RBC RADIO) Gudoomiyaha Gobolka Nugaal C/Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay shir maanta ka dhacay xarunta Gobolka ee Magaalada Garoowe in looga hadlay Adkaynta Amniga Caasimada Puntland ee Garoowe lagana hortago cidii looga shakiyo in ay wado falal amniga Qatar ku ah isagoo sheegay Maalmahan in ay maqlayeen Dad Gawaari soo raaca oo banaanka hore ee Magaalada lagu daadiyo kadibna lug kusoo gala Caasimada isagoo sheegay in dadkaasi ay 3dhinacba loo qaadan karo in ay yihiin Kooxo Aragagixiso ah, In ay yihiin kuwo naftooda biimeynaya oo tahriib u socda, iyo in ay dalka usoo galayaan ka ganacsi iyo in ay ku nagaadaan kuna nastaan sida uu hadalka u dhigay.
Mudane Qarjab wuxuu sheegay Amaanka Caasimada Puntland in ka war qabkeeda aysan cidina kala tashaneyn oo ay talaabo ka qaadi doonaan haday jiraan dadka Hubka Magaalada ku dhexwata oo aan ka ahayn askari Amniga sugaya, kuwa Maandooriyaha isticmaala ee Dariiqyada isku laaya Meheradaha habeenki Xiliyada dambe furan ee lagu dhafro iyo Gawaarida aan Safarka ahayn ee xiliga dambe ku kala goosha magaalada intaasiba wuxuu xusay in cidii lagu arkaa la Maxkamadeyn doono.
Cabdi Xirsi Godoomiyaha Gobolka wuxuu kaloo dalbaday in ay wada shaqeeyaan laamaha Amniga isagoo Taliska ciidanka ee Gobolkana ka codsaday in ay dadka u dhaga nuglaadaan lana qabto taleefonada Laamaha Amaanka ay hayaan dadkana laga warhayo hadba fariimaha ay soo gudbinayaan taasoo keeni karta buu yiri in si fudud looga hortago qataraha inagu soo wajahan ,shacabkana wuxuu ka dalbaday in ay Ciidanka la shaqeeyaan.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay Roobab daad wata oo ka da’ay degmada Burtinle roobkaasi oo kala gooyay Buundadi ay Baabuurta isaga kala gudbi jirtay gawaari iyo xoolo badannah ay halkaasi ku qasaareen dadka deegaankana ay ka cabsi qabaan biyo soo rogmada, wuxuuna ka dalbaday Hay’ada Biyaha ee Nesha in ay Arintaasi wax ka qabato inkastoo aan la ogayn inta ay dhantahay Awooda ay Nesha wax kaga Qaban karto Baahida xoogan ee ka taagan Burtinle walina Madaxda Hay’adaasi kama aysan hadlin Dhibaatada ka jirta Burtinle oo loo baahnaa in xilli hore ay gurmad u diraan waxna ka qabtaan.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.