Wajeer(RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ayaa ku waramaya in xalay fiidkii ay magaaladaasi weerar qorsheysan ku qaadeen koox hubaysan kooxda dableyda ah ayaa qaraxyo iyo weerar toos ah ku qaaday xarumo ay lahaayeen ciidamada Kenya.
Ilaa 2 qaraxa ayaa ka dhacay gudaha magaalada Wajeer waxaana inta la xaqiijiyey ku dhaawacmay qaraxyadaas 3 ruux oo rayid ah kuwaas oo loola cararay Cisbitaalka magaalada si xaaladooda caafimaad loola tacaalo,kooxdii qaraxyada fulisay ayaa la tilmaamay iney intaa kadib dagaal toos ah ku qaadeen ciidamada Kenya.
Tacshiirad ay is weydaarsadeen ciidamada amniga dalka kenya iyo dableydii weerarka qaaday ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ku dhintay ruux ka mid ah raggii hubaysnaa ee weerarka ku qaaday magaalada Wajeer,ciidamada amniga Kenya ayaa xiray wadooyinka magaalada si ay gacanta ugu soo dhigaan ragga kale ee weerarka ku lugta lahaa.
Saraakiisha booliska magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari ayaa sheegay iney aaminsan yihiin in ragga weerarka ka geystay magaaladaasi iney kasoo tallaabeen Soodinta kala qaybisa dalalka Soomaaliya iyo Kenya,waxayna sheegeen iney ku daba jiraan kooxdii weerarka fulisay oo ay ka baadi goobayaan xaafadaha magaalada Wajeer.
Al-shabaab oo dhawaan weerar khasaaro fara badan dhaliyey oo socda muddo 4 maalmood ah ka fuliyey dhismaha Suuqa gacansiga Westgate ee magaalada Nairobi ayaa la aaminsan yahay iney masuul ka yihiin weerarka iyo qaraxyada xalay ka dhacay magaalada Wajeer ee gobolka Soomaalidu degto ee Kenya.
RBC Radio