Muqdisho(RBC Radio) Hogaamiyaha ugu sareeya kooxda Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa soo diray cajal maqal ah oo uu kaga hadlayo weeraradii khasaraha faraha badan geystay ee ay ku qaadeen suuqa laga dukaamaysto ee Westgate Mall ee ku yaal magaalada Nairobi.
Axmed Cabdi Godane ayaa hadaladiisu waxa ay u badnaayeen digniin uu u dirayey shacabka dalka Kenya,wuxuuna sheegay iney weerarkaas kusoo beegeen maalmo yar kadib sanad guuradii 12aad ee kasoo wareegtay weerarkii 11 Sep sanadkii 2001dii lagu qaaday daarihii mataanaha ahaa ee dalka Maraykanka.
Hogaamiyaha Al-shabaab ayaa sheegay in weerarka dhowrka maalmood qaatay ee ay ka fuliyeen magaalada Nairobi in waxyaabo badan laga bartay,wuxuuna tibaaxay inuu bannaanka soo dhigay taag darrida ciidamada kala duwan ee Kenya iyo wadamo uu sheegay iney ka mid ahaayeen Yuhuudda,Maraykanka iyo Ingiriiska oo sida uu sheegay ku guul daraystay iney dhismaha ka saaraan raggii Al-shabaab ee gacanta ku dhigay.
Wuxuuna sidoo kale sheegay in weeraradaas ay dhabar jab ku noqdeen danaha Israa’iil ee dalka Kenya iyo geeska Afrika,Axmed Godane ayaa ku digtay shacabka Kenya wuxuuna ugu goodiyey iney kusii socon doonaan wadada burburka iyo dhimashada hadii aysan madaxda dalkooda ku cadaadin iney ciidankooda kala baxaan gudaha Soomaaliya.
“waxaad gasheen dagaal aan kiinna ahayn,waxaad ogolaateen in cashuurta la idinka qaado lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed, waxaad taageerteen duullaanka dowladiinu Soomaaliya kusoo qaaday,waxaad haystaan waqti aad go’aan ku qaadan kartaan , madaxweyne Uhuru haka suginina danihiina wuxuu u adeegayaa raali galinta reer galbeedka, wuxuu kaliya oo ka fekerayaa kursigiisa, waa inaad madaxda dalkiina ku cadaadisaan iney ciidanka kala baxaan Soomaaliya hadii kale u diyaar garooba dhiig badan oo dhulkiina ku daata,burbur iyo barakac”ayuu yiri Axmed Cabdi Godane.
RBC Radio