Kismaayo[RBC Radio]Waxaa maantay markii ugu horeysey xafiiska hoggaamiye ku-xigeenka maamulka KMG-ah ee Jubba ka soo baxday wareegto lugu mamnuucay in la dhisto dhulalka banaan ee ku yaala magaaladda saldhigga uu ah maamulka ee Kismaayo.
Waxaa sidoo kale wareegtada lugu mamnuucay in cidi ay dhisato dhulalka la isku heysto ee an wali la cadden cida iska leh,waxana mamnuucida dhulalka la isku heysta ay imaanaysa xili dhawaan ay ka dhasheen dhulal la isku qabsadey dagalo dhex maray dhinac yadi isku haystay taaso dhaliay dhimasho iyo dhaawac.
Wareegtadan oo qoraal ahayeed waxaa ku saxiixan hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Jubba Gen. C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag),waxana lugu amray dhaqan galinteeda maxkamadda degmada Kismaayo, saraakiisha ciidamada ammaanka iyo kuwa booliska iyo madax kale,waxana la sheegay in muddo labo bilod ah an wax dhismo ah laga samen karin dhulalka banaan iyo kuwa la isku heysto.
Halkaan hoose ka arag qoraalka lugu maamulka Jubba ee lagu mamnuucayo dhismaha dhulalka bannaan iyo kuwa laysku heysto.
_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio