Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maxadweyne Faroole oo Yemen ku sugan iyo wasaaradda warfaafinta Puntland oo guul ku tilmaamtay safarkas

$
0
0
Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole

Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole

Garoowe[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa wali ku sugan dalka Yemen halkaaso kulamo kala gadisna uu kula qadanayo maxada dalkaasi oo uu ugu horeyo madxaweynaha Yemen oo ay arrimo badan oo labada dhinac khuseya kawada hadli doonan.

Socdalka madaxweynaha ayaa lugu sheegay inuu salka kuhayo kulamo ku aadan xoojinta xirirka wada shaqeyned ee ka dhexeya Puntland iyo dalka Yemen oo xudud dhanka badda ah wadagaa,sidoo kale waxa la tilmaamay in arrimaha ganacsiga labada dhinac ay kawada hadlayn.

Dhinaca kale war qoral ah oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa lugu faah-faahiyey socdalka uu madaxweyne Faroole ku tagay dalka Yemen kadib marki dhawan magaaladda Brussels uu uga qeyb galay shir looga hadlay horumarinta Soomaaliya.

Warkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland waxaa lugu sheegay in socdalka madaxweyne Faroole uu ku tagay Yemen ay tahay mid guul uu ah shacabka reer Puntland,maadama la sheegay in xiriir taarikhi ah uu ka dhexeyo Puntland iyo Yemen.

…”"”"Waxaa jirta in Puntland iyo Yemen ay ka wada dhaxeysi xiriir soo jiren ah oo taarikhi ah,waxana inta dheer inay wadaagan xiriir adag oo dhinaca Diinta, Amniga. Ganacsiga, iyo xiriirka Taariikheed ee gunta dheer ah…”"” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu ku saxiixnaa wasiirka warfaafinta ee Puntland Axmed Sheikh Jaamac.

Qoraalkan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta waxaa ciwan uu ahaa “Arbacada ee arrigtida Puntland” ,waxana lugu soo qaday in xiriirka ganacsigii Boosaaso iyo Al-Ashcar,inuu yahay mid ay si weyn uga wada dharagsan yhiin ganacsato badan oo reer Puntland iyo gud ahanba shacabka Puntland.

Lama shacin muddada uu madaxweynaha Puntland ku nagaadayo dalka Yemen,balse waxaa safarka madaxweynaha ku waheliya xubno ka tirsan gollaha wasiirada iyo madaxtooyadda.

_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles