Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Hiiraan oo ka dhawaajiyey iney Al-shabaab ka xoreynayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaas

$
0
0

beledweyneBeledweyne (RBC Radio) Maamulka gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday iney Al-shabaab muddo gaaban gudaheed uga saarayaan deegaanada iyo degmooyinka ay wali kaga sugan yihiin gobolkaas oo dowladda federaalka Soomaaliya ay gacanta ku hayso degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan oo kaliya.

Cabdi Faarax Laqanyo gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa maalmihii danbe ku hawlanaa kulamo uu la lahaa odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada gobolka Hiiraan,wuxuuna ku dhawaaqay in sida ugu dhaqsaha badan ay Al-shabaab uga si faynayaan deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolkaasi Hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay inaan loosii dul qaadan doonin in Al-shabaab ay kusii sugnaadaan gudaha gobolka Hiiraan,wuxuuna xusay inuu madaxda dawladda kala hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii looga xorayn lahaa deegaanada ay xiligan ka arimiyaan ee gobolka Hiiraan,isagoona tilmaamay iney masuuliyiinta dowladda isku waafaaeen ka saarida Al-shabaab guud ahaan gobolka Hiiraan.

Wuxuuna ka dalbaday waxgaradka iyo shacabka gobolka Hiiraan iney maamulka ka gacan siiyaan sidii Al-shabaab looga sifayn lahaa deegaanada gobolkaas ee ay xiligan ku sugan yihiin,magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalmihii danbe ka socday kulamo iyo abaabul ay wadaan maamulka,odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada ee gobolkaas kaasoo loogu diyaar garoobayo dagaal lagu qaado degmooyinka Hiiraan ee ku jira gacanta Al-shabaab.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles