Muqdisho9RBC Radio) Mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa isku mari waayey Mooshin shalay baarlamaanka la horkeenay oo ay ka doodayeen,kulanka baarlamaanka oo ay soo xaadireen 157 xildhibaan ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabadalla cawad.
Mudanayaasha ayaa sii ambaqaaday dood shalay soo bilaabatay oo ay ku falanqaynayeen Mooshin ay soo gudbiyeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka kaasoo qeexayey in xeer hoosaadka baarlamaanka lagu daro qodob sheegaya in wasiirada wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha xukuumadda mid mid codka kalsoonida loogu qaado.
Markii ay mudanayaashu ka doodeen mooshinkaas oo ay soo gudbiyeen mudayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa waxaa gudoonku uu ku dhawaaqay in Mooshinkaas cod gacan taag ah la galinayo,Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku dhawaaqay natiijada codaynta xildhibaanada wuxuuna sheegay in 115 xildhibaan ay haa ku codeeyeen ,33 xildhibaane ay diideen halka 9 xildhobaan oo kalane ay ka aamuseen.
Sidaas darteed ayuu sheegay in qodobkaasi uu jabay maadaama uu qodobka 84aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka firqadiisa labaad ay ku qoran tahay waa iney 10 xildhibaan soo jeediyaan qodbka lagu darayo xeer hoosaadka,wuxuuna ansax noqonayaa marka ay isku raacaan 50 hal lagu daray tirada guud ee baarlamaanka federaalka.
Wuxuuna ku dhawaaqay in mar kale cod la galin dooni si uu u helo codadka uu u baahan yahay si uu ansax u noqdo,gudoonka ayaa dhanka kale mudanayaasha baarlamaanka ee ka qaybgalay heshiisyada iyo hirarka ay Soomaaliya la gashay dalalka dunida iney baarlamaanka ka hor akhriyaan arimahaasi si su’aalo looga weydiiyo.
RBC Radio