Nairobi[RBC Radio]Guud ahanba dalka Kenya waxaa maantay ka dhaqan galay saddex maalmood oo baroor diiq ah si loogu tacsiyeeyo, loona muujiyo in laga xun yahay dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay xarunta Westgate ee magaalada Nairobi.
Waxaa sidoo kale maanta ilaa maalinta Jimcaha hoos loo dhigi doonaa calanka dalka Kenya si loo muujiyo sida loogu murugoonayo dadkii ku geeriyooday weerarkii Westgate ee magaaladda Nairobi .
Ciidamada amnaanka dalkaasi Kenya ayaa maantay la arkaya iyagoo wada nadiifinta xarunta Westgate ee Nairobi .
Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay goobo loo asteeyey in lagu baroor-diiqda lagu dhigo, iyadoo ay dhanka kale ka barbar socota aaska inta badan dadkii ku naf weeyey weerarka.
Madaxweynaa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xalay ku dhawaaqay baroor-diiqdan, isagoo shaaciyey madaxweynuhu in uu soo afjarmay howlgalkii Westgate.
Uhuru sidoo kale waxaa uu khudbadisa ku soo qaday tirada ku dhimatay weerarka mudada afarta maalin socday,waxana uu sheegay in weerarka ay ku dhinteen 62 qof, lix askarta ciidamada ah, iyadoo la dilay shan kamid ahaa dableydii weerarka soo qaadday, waxaana gacanta lagu dhigay 11 kale sida uu xaqiijiyey.
Sidoo kale Uhuru Kenyatta waxaa uu si caro leh u sheegay in kuwii soo qorsheeyay weerarkii Westgate sharciga lala tiigsan doono .
_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio