Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Tartan Kubada Cagta ah looguna magac daray Nabada iyo isdhexgalka Dhalinta oo Garoowe ka furmay (Sawirro).

$
0
0

 

 DSC04866

Garoowe (RBC RADIO) Hay’ada Kaalo oo kaashaneysa Hay’adaha SIDA iyo DIAKONIA ayaa 4 koox oo ka mid ah Naadiyada Heerka Sare ee Gobolka Nugaal u qabatay Tartan nabadeed lagu doonayo in dhalinyaradu isku bartaan iskuna dhexgalaan si loogu mashquuliyo mihnada ay jecelyihiin ee K/Cagta loogana gudbo dhibaatooyinka xiliyada qaar dhalintu ka geysato Magaalada.

 

Nuur Shire Cismaan oo Saraakiisha Kaalo ka mid ah wuxuu sheegay in kutalagalku yahay in leys baro oo ay walaaloobaan Dhalinyarada soo koraysa kana gudbaan marxaladaha xun xun una gudbaan wadan jacaylka wax qabsiga waxbarashada iyo ugargarida dadka iyo Dalka taasi oo ah buu yiri hadafka ay kaalo ka leedahay qabashada Barnaamijkan oo ay ka taakuleynayaan  Hay’adaha SIda iyo Diakonia, Nuur wuxuu kaloo codsaday in dhalinyaradu ay hab wanaagsan u cayaaraan oo aysan is xasdin inta waqtiga cayaarta lagu jiro barnaamijkanah hab nabadeed loo qabtay laakiin aan loogu talagalin in leysku mucaarado ama colaadi ay ka dhalato.

 DSC04868

Afarta Kooxood ayaa 2 kamid ah ay dheeleen oo magacyadooda ay kala yihiin Jowle iyo Kooxda Dowlada Hoose waxaana 2:0 ku badisay Kooxdii ku cayaareesay Magaca Jowle Maanta waxaa la filayaa in ay wada ciyaaraan Kooxaha Freindship iyo Ac Manoco kii soo baxana waxuu  jimcaha inagu soo aadan la ciyaarayaa Kooxda Finalka u gudubtay ee Jowle.

 DSC04888

Hay’ada Kaalo oo Barnaamijkan soo abaabushay waxay si gaar Madaxdii meesha ka joogtay ay ugu mahadcesheen Maamulka Ciyaaraha ee Gobolka iyo Wasaarada Cayaaraha Puntland mana ahan markii ugu horeesay oo talaabadan dhiirigelinta ah ay Qaato Hay’ada Kaalo waxaana jiray Koobab badan oo ay u dhigtay Cayaraatoyda kala gedisan ee Gobolka si ay dhiirigelin ugu noqoto waxaana usii dheer u gargaaida dadka Tabaaleysan iyo u qariimidooda iyo ilaalinta Xukuuqda Aadanaha sida ay dad badan isku raaceen.

 DSC04870DSC04880DSC04883DSC04886DSC04888DSC04879DSC04869

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles