New York(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan SH Maxamuud oo ka qaybgalaya shirka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay oo shalay ka furmay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ku hawlan sidii uu taageero ugu raadin lahaa dowladiisa.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada New York waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madax ka kala socota dalalka caalamka kuwaas oo uu kala hadlay sidii ay gacan usiin lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo.
Xasan SH Maxamud madaxweynaha dalka ayaa madaxda uu la kulmay waxaa ka mid ah wasiirka arimaha dibadda dalka boqortooyada Sucuudiga,Kaaliyaha amuuraha dibadda dowladda Maraykanka iyo masuuliyiin kale oo dhammaantood ay isla soo qaadeen marxaladaha uu marayo dalka Soomaaliya.
Kulanka ay magaalada New Yorka ku yeesheen madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan SH Maxamuud iyo wasiirka arimaha dibadda dolwadda boqortooyada Sucuudi Carabiya Sacuud Bin Faysal ayaa waxa ay ku qaadaa dhigeen xoojinta xiriirka labada dal iyo sii amba qaadida heshiis ay dhawaan labada dal kala saxiixdeen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa New York uga qaybgalaya shirka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa la filayaa inuu madax kale la kulmo inta uu ku sugan yahay magaaladaasi New York.
RBC Radio