Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda federaalka Soomaaliya oo gudi qaran u magacawday qabanqaabada shirka dib u heshiisiinta bulshada Jubooyinka ee bisha soo socota Muqdisho ka furmaya

$
0
0

astaanta qarankaMuqdisho(RBC Radio) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magacowday gudi  loo xilsaaray qabanqaabada shirka dib u heshiisiinta ee loo qabanayo bulshada ku dhaqan gobolada ku bahoobay maamulka Jubba ee Jubada hoose Jubada dhexe iyo Gedo.

Ku simaha R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ahna wasiirka Khayraadka dalka C/risaaq Cumar Maxamed ayaa magacaabay gudi  qaran oo ka kooban 5 xubnood oo ka shaqayn doona qabanqaabada shirka dib u heshiisiinta beelaha ku dhaqan gobolada uu ka arimiyo maamulka Jubba ee dhawaan ay dowladdu heshiiska la gashay.

Xubnaha gudigan ayaa kala ah  C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka gudoomiyaha gudiga,C/llaahi Ciilmooge Xirsi wasiirka warfaafinta boostada iyo Isgaarsiinta xubin,C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi wasiirka gaashaandhiiga xubin,C/shakuur Cali Mire wasiir ku xigeenka warfaafinta xubin,C/raxmaan Kulmiye xirsi wasiir ku xigeenka gaashaandhigga xubin iyo Axmed  C/salaan Xaaji Aadan danjiraha Soomaaliya ee magaalada Addis ababa oo isne xubin ka ah gudigan.

Wasiirka Khayraadka dalka ahna ku simaha R/wasaaraha xukuumadda C/risaaq Cumar Maxamed oo hadal u jeediyey gudiga ayaa ku booriyey iney si wanaagsan uga soo dhalaalaan hawsha qaran ee loo xilsaaray,wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay iney kasoo shaqeeyaan shirka 5ta bisha soo socota ee Oct ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

C/risaaq Cumar Maxamed ayaa dhanka kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney taageeraan heshiiska ay magaalada Addis ababa ku gaareen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba,wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladda ay dooneyso in mushkiladaha dalka ka jira lagu dhammeeyo waan waan iyo wadahadal.

Shirka lagu heshiisiinayo beelaha ku dhaqan gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa wajigiisa koowaad lagu wadaa inuu Muqdisho ka furmo 5ta bisha soo socota ee October,wajiga labaad ayaa isne lagu qaban doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles