Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Al-shabaab oo sheegay iney wali ku sugan yihiin dhismaha Westgate ee magaalada Nairobi

$
0
0

SOMALIA MILITIAMuqdisho(RBC Radio) Al-shabaab ayaa beeniyey warkii kasoo baxay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ku dhawaaqay iney soo afjareen hawlgalkii ay dhowrka maalmood ka wadeen dhismaha xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Afhayeenka guud ee Al-shabaab SH Cali Maxamuud Raage Cali dheere oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-shabaab ayaa gaashaanka u daruuray wararka sheegaya in dableydii ka tirsanayd Al-shabaab laga saaray dhismaha Westgate ee magaalada Nairobi.

Cali Dheere ayaa sheegay in dagaalamayaasii Al-shabaab ay wali ka dhexdagaalamayaan gudaha xaruntaas wuxuuna beeniyey in gabi ahaanba dhismaha ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda kenyta ee Afarta maalmood dagaalka kula jiray.

Cali Maxamuud Raage ayaa sidoo kale been abuur ku tilmaamay iney weerarka Westgate ku gumaadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan wuxuuna sheegay in dhammaan dadka ay dileen ay ahaayeen saraakiil iyo diblamaasiyiin kasoo jeeda wadamada galbeedka.

Wuxuuna tibaaxay in hadii ay madaxda Kenya ku doodayaan in Westgate lagu laayey dad shacab ah iney xasuusin u tahay dhibaatada uu sheegay in ciidanka Kenya ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Soomaaliya ee ay gacanta ku hayaan.

Cali Dheere ayaa ku nuuxnuuxsaday in bartilmaameedka weerarku uu ahaa dadka goobtaa iskugu yimaada oo uu sheegay iney ahaayeen cadowga Islaamka sida uu hadalka u yiri.

 

 RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Trending Articles