Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda federaalka Soomaaliya oo codsatay in lagu gacan siiyo dagaalka ay kula jirto Al-shabaab

$
0
0

saacid goodGeneva(RBC Radio) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in laga gacan siiyo la dagaalanka kooxda Al-shabaab ee dowladda dagaalka kula jirta,R/wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo magaalada Geneva kaga qaybgalaya shir looga hadlayo xuquuqda aadanaha Soomaaliya ayaa dunida ka dalbaday in dowladiisa laga taageero la dagaalanka Al-shabaab.

Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay xiligan wajahayso dagaal adag  oo ay kula jirto argaxisada caalamiga ah ayna u baahan tahay in taageero weyn lagu siiyo dagaalka ay kula jirto argagixisada.

R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa ka dhawaajiyey in dowladda Soomaaliyeed ay u baahan tahay iney hesho taageero milateri iyo mid dhaqaalo si ay uga taqalusto Al-shabaabka ka dagaalamaya Soomaaliya oo uu sheegay inuu khatar ku yahay amniga caalamka oo dhan.

“waxaan ku jirnaa safar dheer oo dhib badan,waxaan beesha caalamka uga baahanahay taageero dhaqaale iyo mid ciidan si aan uga guulaysanno argagixisada caalamiga ah”ayuu yiri R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

R/wasaare Saacid ayaa weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen dhismaha ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi waxa uu ku tilmaamay mid fulaynimo ah,wuxuuna shaaciyey iney murugada iyo xannuunka la qaybsanayaan dowladda iyo shacabka reer Kenya.

Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa caalamka xasuusiyey in Al-shabaab iyo Al-qaacida aysan caqabad ku ahayn Soomaaliya oo kaliya wuxuuna tusaale usoo qaatay weerarka ay ku qaadeen Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles