Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madoobe Nuunow oo dowladda ku eedeeyey iney caqabad ku tahay dhisidda maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya

$
0
0

batdhaboBaydhabo(RBC Radio) Madoobe Nuunow Maxamed oo ka mid ah qabanqaabiyaasha shirka la doonayo in lagu dhiso maamul goboleed ay yeeshaan gobolada Koonfur galbeed ee Soomaaliya oo ka socda magaalada Baydhabo ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyey iney caqabad ku tahay dhisidda maamulkaas.

Madoobe Nuunow ayaa shaaca ka qaaday iney ka warhayaan in dowladda federaalka Soomaaliya ay curyaaminayso dadaalka ay ku doonayaan iney ku dhisaan maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in dowladdu aysan dooneen inuu maamulkaasi dhismo.

Wuxuuna dowladda ku dhaleeceeyey iney dulmisay shacabka ku dhaqan goboladaas markii ay aqoonsatay maamul aysan ka dhex muuqan bulshada gobolada Koonfur galbeed sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney ka go’an tahay iney maamul u sameeyaan gobolada Baay,Bakool,Shabeelaha hoose,Jubada dhexe,Jubada hoose iyo Gedo.

Madoobe ayaa dowladda Soomaaliyeed ku eedeeyey iney shaqsiyaad gaara kula heshiisay danaheeda u gaarka ah isla markaane ay iska indha tirtay rabitaanka shacabka goboladaas sida uu ku dooday,wuxuuna xusay iney iyagu dowladda taageersan yihiin balse dowladdu aysan tixgalineen bulshada gobolada koonfur galbeed Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay  oo ay xiligan  ku sugan yihiin inta badan xildhibaanada,wasiirada,Siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqan kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxaa ka socda qorshe lagu doonayo in dhidibada loogu taago maamul goboleedka Koonfur falbeed Soomaaliya.

 

 

 RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles