Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

DEG DEG: Madaxweynaha Kenya oo sheegay in lasoo afjaray weerarkii Westgate,kuna dhawaaqay Saddex Maalmood oo baroor diiq qaran ah

$
0
0

uhuru keyNairobi(RBC Radio) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in lasoo afjaray weerarkii maalmaha qaatay ee ka socday dhismaha Suuqa Westgate Mall ee magaalada Nairobi,Madaxweyne Kenyatta oo khudbad toos ah ka jeediyey talefeshinka dalkaas ayaa shaaca ka qaaday iney ka adkaadeen argagixisadii kusoo duushay Kenya.

Kenyatta ayaa daboolka ka qaaday iney gabi ahaanba soo afmeereen hawlgalkii ay ka wadeen dhismaha Westgate wuxuuna sheegay iney dhabarka ka jabiyeen kooxdii weerarka geysatay,Madaxweynaha ayaa tilmaamay qaar kamid ah dileen raggii goobta qabsaday qaarkoodne ay nolosha ku qabteen sida uu sheegay.

Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay Saddex Maalmood oo baroor diiq qaran ah oo loogu murugoonayo dadka 70ka kor u dhaafaya ee naftooda ku waayey weerarka lagu qaaday Suuqa ganacsiga ee Westgate ee galbeedka  magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Madaxweyne Kenyatta ayaa tilmaamay inuu fuliyey ballankii uu ka qaaday shacabka dalkiisa ee ahaa iney si deg deg ah uga guulaysanayaan kooxda ka tirsan Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Westgate,wuxuuna si gaara guushaas uga mahad celiyey ciidamada dalka Kenya oo uu tibaaxay iney geesiyaal yihiin.

Kenyatta ayaa sidoo kale u mahad celiyey wadamo uu sheegay iney Kenya garab taagnaayeen mudadii ay dagaalka kula jirtay kooxdii qabsatay dhismaha Westgate ee magaalada Nairobi,wuxuuna xusay in ragga weerarka fuliyey ay ka mid ahaayeen mawaadiniin u kala dhashay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska.

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Trending Articles