Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shir socday mudo saddex maalin oo u socday Issimada iyo waxgaradka qaar kamid ah beelaha dega Jubbooyinka oo maantay la soo gaba gabeeyey bayaana laga soo saray[Sawirro]

$
0
0

1

Kismaayo[RBC Radio]Waxaa maantay magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose lugo af-meeray shir socday mudo saddex maalin ah kasoo ay isugu yimaadeen Issimada iyo waxgaradka qaar kamid ah beelaha dega Jubbooyinka,waxana intii uu socday shirka looga hadlay arrimo dhor ah oo ay ka mid ahaayeen xaaladda ka jirta deegaanada Jubbooyinka ,waxana dhinacyadii ka soo qay galay ay falan qeeyeen qoddobadii laga wada-hadllayey.

Arrimaha sida weyn dhinacyada shirka ay wax iska weydinayey waxaa ka mid ahaa argtida beelaha daga gobollada Jubbooyinka shirka ay ku heshiiyen dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba ee saldhiggisu yahay Kismaayo,waxana ay isla garten in heshiisku uu ahaa mid ay dani ugu jirto dadka wada dega gobollada ku abtirsada maamulka KMG-ah ee Jubba ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.2

Gaba gabadi shirka oo ay kasoo qeyb galayaashu isku tusaaleyn goddobadii ay ka dooden ayaa waxa ay ka soo saren qoddobo dhoor ah oo ay isla garten,waxana ka mid aha kuwo hoos ka xusan.

 

1-In ay si buuxda usoo dhaweynayaan heshiiskii Adisababa ku dhexmaray maamulka Jubba iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

2-In ay soo dhaweynayaan heshiiskii magaalada Muqdisho iyo weliba shirka la filayo in lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

3-In qofkii si kas ah u dila qof kale loo dilo iyadoo la waafajinayo shareecada Islaamka.
Hoos ka aqri Issimada kulanka ka soo qeyb galay.

bayaanka Isimada
_____
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles