Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowlada Soomaaliya oo kulan la Qaadataya Hay’adaha Dalka ka Hawlgala

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Wasaarada arimaha gudah ayaa kulan la qaadatay dhamaan hay’adaha aan dowliga ahyn ee NGOs-yada ee ka hawlgalada dalka Soomaaliya kulanka oo ka dhacay xarunta wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa sidii ay dowlada Soomaaliya uga warqabi lahayd hay’adaha ka hawlgala dalka iyo  waxqabadkooda.

Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya Jaamac Max’ed Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka shirka ay iskugu yeereen hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka hawlgala dalka Soomaaliya ay tahay in dowlada Soomaaliya ay la socoto gargaarka dalka soo gala iyo cidda keenta intaba.

Wasiir ku xigeenka wasaaraad arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya ayaa intaa ku daray iney si qota dheer uga hadleen waxyaabaha looga baahan yahay hay’adaha aan dowliga ahayn ee gargaarka u fidiya shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya wuxuuna hoosta ka xariiqay iney tahay waajib qaran in dowladu ay la socoto dhaqdhaqaaqa iyo hawlaha ay wadaan hay’adaha gargaarka ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya.

Wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa kusoo batay dalkeena Soomaaliya hay’adaha aan dowliga ahyn kuwaas oo bulshada u fidiya gargaar waxaana dhanka kale jira eedo loo jeediyo hay’adahaas oo ku aadan iney qaarkood dhibaato ku hayaan bulshada halkii ay ka caawin lahaayeen,waxaana ka mid ah waxyaabaha lagu dhaliilo hay’adaha in hay’aduhu ay kusoo beegaan bixinta raashinka daruuriga ah xiliyada ay soo go’aan dalagyada dalka taasine ay qiima rido miraha kasoo go’a beeraha dalka.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles