Muqdisho(RBC Radio) Bukaanada uu soo ridanayo cudurka shiban-biyoodka ee la gaarsiinayo cisbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka Banaadir ayaa sii kordhaya xili meelo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya uu fara ba’an ku hayo cudurka shuban-biyoodka oo ay u geeriyoodeen dad fara badan oo uu haleelay.
48-dii saac ee ugu danbeeeyey ayaa waxaa la gaarsiiyey cisbitaalka Banaadir bukaano la ildaran cudurka shuba-biyoodka oo kor u dhaafaya 250 bukaan sida ay xaqiijiyeen hawl wadeenada Cisbitaalka hooyada iyo Dhalaanta Banaadir ee magaalada Muqdisho oo la jiifiyey bukaanada uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.
Madaxa qaybta carruurta Cisbitaalka Banaadir Drs Luul Max’ed Axmed ayaa sheegtay in cisbitaalka lasoo gaarsiiyey bukaano fara badan oo la ildaran cudurka shuban-biyoodka waxayna sheegtay in saacadihii ugu danbeeyey lasoo gaarsiiyey Cisbitaalka ilaa 30 ruux oo u badan carruur kuwaas oo uu soo ritay cudurka shuban-biyoodka.
Drs Luul ayaa sheegay in dhaqaatiirta Cisbitaalka ay gargaar caafimaad oo deg deg ah ay u fidiyeen bukaanadii lasoo gaarsiiyey Cisbitaalka waxayna sheegtay in intooda badan ay xaaladooda caafimaad kasoo raynayso,Luul ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed ineysan cabin biyo wasaqaysan si ay uga badbaadaan cudurkan waxayna kula talisay shacabka iney iska karkariyaan biyaha ay cabbayaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho