Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20152

Wafdigii Raysul Wasaare Saacid oo Heshiis Iskaashi ah Maanta La Galay Dawlada Yemen (Akhriso)

Image may be NSFW.
Clik here to view.
PM-reaches-Yemen
Sanca (RBC)  Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Heshiis-iskaashi ah waxay magaaladda Sanca kula Saxiixatay Dawladda Yemen,kadib kulammo maalmihii lasoo dhaafay ay lahaayeen Mas’uuliyiinta labadda Dawladood oo looga hadlayay iskaashi ay ka yeeshaan dhinacyadda Amaanka, Siyaasadda,Ganacsiga, Dhaqaalaha, Waxbarashadda iyo Arimaha Bulshada.

Heshiiskan oo ay goobjoog ka ahaayeen Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” iyo Ra’isul Wasaaraha Dalka Yemen Mudane Maxamed Saalim Bassanduwa waxaa u kala Saxiixay Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ee Yemen Dr. Maxamed Al-Sacadi.

Heshiiska-Iskaashi ee labada Dawladood ay Maanta ku kala saxiixdeen Sanca waxaa uu xoojinayaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ay wadaagaan. Waxaana ugu muhiimsanaa arimahan:

1- Iskaashiga dhinaca Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga.
2- Iskaashiga dhinaca Waxbarshada,Dhaqanka, Tacliinta-sare iyo Warbaahinta.
3- Iskaashiga dhinaca Diplomaasiyadda, Nabadgalyadda, Gaashaandhiga iyo Cadaaladda.
4- Iskaashiga dhinaca Arimaha Bulshada iyo Qaxootiga.

Waxaa heshiiskan fulintiisa u xilsaaran Guddi heer wasiir ah oo ay hogaaminayaan Wasiiradda Arimaha Dibadda ee labada dal, waxaana shirarkooda ay ku qabsan doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo Sanca.

Waxaa kaloo la isla gartay in heshiiskan ay ka farcami doonaan heshiisyo gaar ah oo u dhexeeya Wasaaradaha kala duwan ee labada dal oo si faah faahsan u qeexi doona iskaashiga labo Wasaaradood oo kasta.

_______________________________________

War saxaafadeedkan waxaa na soo gaarsiiyey:

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Sanca, Yemen
Email:Ridwaanhaji@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20152

Trending Articles