Muqdisho(RBC) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarigga ka jaray kala fadhiga Saddexaad ee golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya,waxaana munaasabadda dib u furida kala fadhiga baarlamaanka kasoo qayb galay masuuliyiin uu horkacayey madaxweyne Xasan SH,wasiiro xukuumadda ka tirsan iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Gudoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo hadalka daah furay ayaa sheegay in baarlamaanku uu mudadii uu jiray uu ku tallaabsaday guulo la taaban karo,wuxuuna uga mahad celiyey mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya hawshii adkayd ee ay soo qabteen sanadkii uu baarlamaanku jiray.
Maxamed SH Cismaan Jawaari gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay iney jiraan himilooyin fara badan oo ay hiigsanayaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya,wuxuuna si gaara farta ugu fiiqay iney ku dadaalayaan sidii ay u hormarin lahaayeen Dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka oo baarlamaanka loo igmaday iney dib u habayn ku sameeyaan.
Madaxweyne Xasan SH Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyey furitaanka kala fadhiga Saddexaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku ammaanay mudanayaasha baarlamaanka hawshii ay qaranka u qabteen,wuxuuna tilmaamay iney tahay arin aan la hilmaami doonin shaqadii wanaagsaneed ee mudanayaashu ay qabteen mudadii uu baarlamaanku jiray.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale mudanayaasha baarlamaanka ku bogaadiyey qaybta ay ka qaateen ku baahinta nidaamka dowliga ah gobolada dalka.
Xasan SH Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa ku dheeraaday ka hadalka waxyaabaha u qabsoomay dowladda uu hogaaminayo ee sanad jirsatay,madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay guulo ka gaartay arimo ay ka mid yihiin, ammaanka, ku baahinta nidaamka dowliga ee gobollada Dalka,xiriirka dibadda,la dagaalanka musuq maasuqa, ku qancinta dalalka caalamka in Soomaaliya ay dhaqaale ku taageeraan.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay ayaa intaa raaciyey in guul la taaban karo laga gaaray xasilinta dalka,wuxuuna si gaara farta ugu fiiqay iney dowladdo caddaaladda marsiisay kooxaha caadeystay Kufsiga haweenka Soomaaliyeed,wuxuuna tibaaxay in tallaabooyinka ay dowladdu ka qaaday arinkaas iney si weyn hoos ugu dhigtay kufsigii lagu hayey haweenka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ammaanay wadamada Turkiga iyo Norway oo uu sheegay iney ka taageereen dowladda uu hogaaminayo dhanka dhaqaalaha,madaxweynaha ayaa sheegay in Labadn dal ay si toos ah dhaqaalo ugu shubeen khasnadda dowladda taasoo dowladda ka caawisay fulinta adeegyada bulshada.
Inkastoo madaxda dowladda ay ku doodayaan iney wax badan ka qabteen dhibaatooyinka ka jira dalka ayaa hadane waxa ay dad badani aaminsan yihiin iney jiraan waxyaabo badan oo dowladda looga fadhiyey iney qabato sanadkii dhammaaday balse ay ka gaabisay,walow ay hubaal tahay in dowladdu ay guulo muuqda kasoo hoysay Siyaasadda dibadda,dadka dhaliia Siyaasadda dowladda ayaa aaminsan in dowladda looga baahnaa iney gudaha wax ka qabato halka ay diirada ka saartay Siyaasadda dibadda.
Caadil Maxamuud
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho