Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Muqdisho: 20 Haween ah oo Markii ugu Horreysay Loo Furay Tababar Ku Saabsan Iska Difaacida Weeradada Kufsiga

$
0
0

haween-tababar1Muqdisho (RBC) Ciidamada AMISOM ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay tababar loo qabtay illaa 20 dumar ah oo ka mid ah haweenka ku nool gobollada Banaadir, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe kuwaasoo la bari doono sidii ay isaga difaaci lahaayeen weerarada kufsiga iyo xadgudubyada ku saleysan jinsiga ee ay dadka hubeysan kula kacaan haweenka.

Munaasabad maanta lagu qabtay xarunta AMISOM ee Xalane ayna ka qeybgashay wasiirada horumarinta adeega bulshada ee dawlada Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa si rasmi ah loogu furay tababarkan.

Drs Maryan Qaasim ayaa sheegtay in dawladu aysan marnaba raali ka ahayn in lagu xadgudbo haweenka, waxayna soo dhoweysay in dumarka la siiyo tababar si ay naftooda u difaacaan.

Waxyaabaha haweenka la bari doono waxaa ku jira habka ka hortegida ragga hubeysan, habka iska difaaca haddii goobo cidlo ah lagu weeraro iyo sida ay ula dhaqmi lahaayeen hubka gaar ahaan qoryaha fudud ee ay inta badan sitaan dadka kufsiyada geysta.

Sida ay sheegeen qabanqaabiyaasha tababarkan waxaa tababarka uu ku saaabsanaan doonaa in haweenka laga soo xulay degmooyinka gobollada Banaadir iyo Labada Shabeelle loo tababaro iska difaaca weerarada kufsiga ah ee ay kooxaha hubeysan kula kacaan haweenka.

Tababarkan ayaa ah midkii ugu horreeyay oo Soomaaliya lagu qabto loona qabto haweenka Soomaaliyeed, wuxuuna yimid xilli la sheego in weerarada kufsiga ee ka dhanka ah dumarka ee ay geystaan rag hubeysan inay weli yihiin kuwo aad u badan.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles