Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto oo maantey hortagaya maxkamadda dambiyada dagaalka ee The Hague[Warbixin]

$
0
0
Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto oo maantey hortagaya maxkamadda dambiyada dagaalka ee The Hague

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto oo maantey hortagaya maxkamadda dambiyada dagaalka ee The Hague

Nairobi[RBC Radio]Waxaa maantey hortagaya markii ugu horeysey maxkamadda dambiyada dagaalka ee The Hague madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto.

William Ruto ayaa waxaa uu jawaabo ka bixindoono su’aalo laga weydiinayo dacwaddo loo heysto,waxana ay dacwadahani ay yihiin kuwo salka ku haya rabshadihii ka dhashay doorashooyinkii la isku khilaafay ee sanadkii 2007-dii ka dhacay dalka kenya,oo la tilmaamayo in Mr.Ruto inuu geystey danbiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

Arrimaha sida gaar ka ah wax looga weydiinayo Ruto waxay yihiin eedeyn ku aadan inuu maleegay rabshadihii Kenya ka dhacay doorashadii 2007-dii iyo 2008-dii xilligaas oo Kenya lagu dilay 1500 oo qof kumannaan kalana ay barakaceen,danbiyadaaso lugu sheegey inay yihiin kuwo xad-gudub ku ah bini’aadannimadda.

William Ruto madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya ayaa marar badan beeniyey inuu wax lug ah ku leeyahay eedemaha ay usoo jeedinayso makamada ICC,waxana xiligaan loo heysta inuu wax ka maleegey danbiyadda ah barakaca iyo dhaawaca dadki rayidka ahaa.

Waxaa isna maantey hortagaya maxkamadda dambiyada dagaalka ee The Hague Joshua Arab Sang oo ah Wariye Kenyan ah oo isna dambiyada loo haysto ay kamid tahay kicinta dadka kasoo jeeda qabiilka Kalenjin oo uu ka dhashay iyadoo xilligii dagaalkana uu ka shaqaynayay idaacad ku hadasha afka Kalenjin oo maxalli ah.

Waxaa isna dhawaan hortagaya maxkamada ICC madaxweynaha Kenya oo isna loo heysto danbiyo la xiriira kuwa loo haysto madaxweyne ku-xigeenkiisa,inkasto dhiniciisa uu diinanyahay inay wax ka jiraan waxa loo heysto.

Maxkamadeenta madaxda sare ee dalka Kenya ayaa keentey inay guddaha dalkaas Kenya si weyn looga daremo waxana ku kala aragti duwan dadka Kenyanka ah,waxana intooda badan ay sheegen inay sharcidaro tahay in xiligaan been abur lugu maxkamadeeyo madaxdooda.

Dhinaca kale waxaa iyana maxakamadeentan dood adag ka yeeshey baarlamaanka dalkaas Kenya,waxana dooda baarlamaanka ay sheegen inay isaga baxaan xubinnimada Maxkamada, iyadoo Afhayeen u hadlay Maxkamada uu sheegay in go’aankaas uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin dacwada loo heysto Madaxweynaha Kenya iyo kuxigeenkiisa.

Si kastaba waxaa maantey guud ahanaba dalka Kenya laga hadal haya halka ay ku danbeyn doonto maxkamadeenta madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto,waxana dhamanba dadka Kenyaan ay wadda dawanayan Tv-yadda dalkaas ee sida tooska ah u tabinaya maxkamadenta madaxweyne ku-xigeenka.

_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles