Garoowe (RBC RADIO) Ururka ay ku midaysanyihiin Gabdhaha Suxufiyiinta Gobolka Nugaal laguna Magacaabo Nugaal Female Journalists (Nufjo) ayaa maanta Sanad jirsaday, Ururkan oo ah kii ugu horeeyey oo laga unko Puntland mid noociisa ah ayeey Habluhu kusoo bandhigeen wax qabadka Ururka Sanadkii uu jiray iyo cidii taageerada u fidisayba waxaana Qabashada Xafladan kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socota Puntland Ururka Suxufiyiinta ee Map iyo Marti Sharaf kale.
Faadumo Maxamed Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Ururka Nufjo oo shirka furtay waxay sheegtay in Ururkan jiritaankiisa Halsano ay kasoo wareegatay wax bandannah uu usoo qabsoomay walina wax qabadkiisii uu wado oo ay ka mid tahay isku xirka Dumarka Saxaafada ku jira iyo usoo dhicinta Xuquuqdooda, shaqo abuurna loo sameeyo hablaha.
“ Ururkan waxaan u sameesanay inaan isku difaacno danahayagana ku fushanno muhiimadiisa ugu weynah waxa weeye inaan kusoo dhacsano xaqa ay leeyihiin gabdhaha ka hawlgala Saxaaada, Hadii Gabdhuhu aysan awood dheeri ah ku lahaanjirin Gobolka hada sidaa maahan miiska wada hadalka ayaan la fariisaneynaa Raga Saxafiyiinta ah wixii xadgudub ahna waanu ka wada hadleynaa oo marakan waxaan nahay Hablo mideysan,waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa intii nala shaqeesay iyo intii ka qayb qaadatay dhismaha Ururkan, waxaan Maamulka iyo Milkiilayaasha Goobaha Warbaahinta Gobolka Nugaal ka filayaa in aan gabdhaha la xaqirin oo gabadhii aqoon iyo xirfadba leh Saxaafada lagu soo dhaweeyo lana shaqo siiyo, waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa goobaha Qaar oo gabdhuhu ay ku badan yihiin, waxaan balanqaadeynaa inaan hormarino Warbaahinta gaar ahaan Gabdhaha Suxufiyiinta ah, Sidaana waxaa tiri Gudoomiyaha Ururka Marwo Faadumo Maxamed Maxamuud.
Masuuliyiin kala duwan oo madasha ka hadashay waxay xuseen in ay tallaabo kudayasho mudan tahay dhiiranaanta ka muuqata Gabdhaha ku midoobay Ururkan taasoo muujineysa bay yiraahdeen Kartida ay gabdhuhu u leeyihiin in ay is maamulaan wax qabsadaan ragana la tartamaan xaga Saxaafada waxayna intooda badan dadkii madasha ka hadlay sheegeen in ay Taageero la garab taagan yihiin Ururkan Sanad Jirsaday.
Waa ururkii ugu horeesey oo Gabdho Wariyeyaal ah ay Yagleeshaan isla markaana ay isku maamulaan iyagoo danahooda uga xaajoonaya Urur u gaar ah waxayna dad badan oo Dhaq-dhaqaaqa Saxaafada la socda ay sheegeen in Karti iyo Talaabo wanaagsan ay tahay Ururka ay sameysteen Gabdhaha Suxufiyiinta ee Gobolka Nugaal kuwa kalena sidaa oo kale laga rajeynayo.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.