Muqdisho(RBC Radio) Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka kumeelgaarka ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu kulan Muqdisho kula qaatay SH Xasan Daahir Aweys oo ku jira gacanta dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan goob ka mid ah xarunta hay’adda Nabad sugidda ee Aqalka Habar Khadiijo ee magaalada Muqdisho.
Axmed Madoobe oo Sabtigii Muqdisho soo gaaray ayaa ku booqday goobta uu ku xiran yahay SH xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab xilline ay Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ka wada tirsanaayeen ururkii burburay ee Xisbul Islaam,sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoon kulankooda ayaa in muddo ah qaatay.
Axmed Madoobe ayaa la tilmaamay inuu kala hadlay SH Xasan daahir Aweys arimo dhowr ah oo la xiriira xaaladiisa iyo xabsiga uu ku jiro,madaxweynaha maamulka Jubba ayaa kadib markii uu kulanka la qaatay SH Xasan Daahir Aweys wuxuu bilaabay dadaalo uu madaxda dowladda Soomaaliya uga dhaadhicinayo in lasii daayo SH Xasan Daahir oo dowladda u xiran.
Lama oga waxa kasoo baxay kulanka SH Xasan Daahir Aweys iyo madaxweynaha maamulka kumeelgaarka ah ee Jubba ku dhexmaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,Labada nin ayaa xilli ahaa saaxiibbo isku dhow oo isku mabda’ ah ,walow ay markii danbe fikirka ku kala tageen kadib markii SH Xasan Daahir uu ku biiray Al-shabaab iyadoo Axmed Madoobane uu gudaha u galay Kenya halkaas oo uu kasoo bilaabay dagaal Jabhadeyn ah oo uu kaga horjeeday Al-shabaab oo xoog kaga saaray magaalada Kismaayo,kadib markii Al-shabaab uu wiiqay awoodii Milateri ee Xisbul Islaam.
SH Xasan Daahir Aweys oo in muddo ah ku jira gacanta dowladda Soomaaliya ayeysan wali dowladdu caddayn waxa ay ka damacsan tahay arinkiisa.walow ay masuuliyiinta dowladdu hore u sheegeen iney go’aan ka qaadanayaan arinta SH Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose,kadib markii hogaamiyaha Kooxdaas Axmed Cabdi Godane uu isku dayey inuu khaarajiyo.
Axmed Maxamed Islaam madaxweynaha maamulka Jubba ayaa si kulul uga hadlay habkii ay dowladda federaalka Soomaaliya ula dhaqantay wadaad diimeedka SH Xasan Daahir Aweys oo ay Muqdisho keeneen odayaal iyo masuuliyiin ay isku hayb yihiin,kuwaas oo si jujuub ah Muqdisho ku keenay,wadahadallo ay yeesheen SH Xasan Daahir iyo dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer Muqdisho ka dhacay walow aysan wali jirin wax rasmi ah oo la isla meel dhigay.
RBC Radio
Muqdisho