Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan SH oo Muqdisho ku qaabilay wafti ka socda dalka China

$
0
0

wafti ChinaMuqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SH Maxamuud ayaa maanta qaabilay wafti ka socda dalka China oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,kulanka uu madaxweynuhu la qaatay waftiga ka socda dalka China ayaa waxaa kamid ah wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ahna R/wasaare ku xigeen Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan,wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha dibadda iyo safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ahna la taliyaha madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Inj.C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa sheegay in madaxweynuhu uu masuuliyiinta China ee kulanka uu la qaatay uu uga mahad celiyey booqashada ay Muqdisho ku yimaadeen iyo heshiiskii ay shalay la saxiixdeen dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kulanka ka sheegay in wadamada Soomaaliya iyo China uu ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo oo soo jireen ah,wuxuuna tilmaamay iney dalka ka hirgalinayaan Mashaariic horumarineed oo dib dalka loogu dhisayo.

Liu Guangyuan safiirka dowladda China u qaabilsan Soomaaliya oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin soo nooleynta xiriirkii kala dhexeeyey Soomaaliya,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney wadaan qorshe ay ku dayactirayaan Mashaariicdii ay dalka ka fuliyeen intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Safiirka China ayaa intaa ku daray iney sii wadayaan taageerada ay siinayaan dalka Soomaaliya,wuxuuna tibaaxay iney ka qayb qaadanayaan dib u dhiska dalka iyo dadaalada la doonayo in lagu hormariyo adeegyada bulshada ee Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles