Garoowe[RBC Radio] Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa magaaladda Garoowe ku qabtay kulan Wadatashi ah,kaas oo loo qabtay Suxufiyiinta deegaanada Puntland,taasoo ay soo qabanqaabiyeen Madaxda Ururka MAP.
Kulankaan oo ahaa mid mid ay u dhamaayeen dhammaanba Suxufiyiinta deegaanada Puntland oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee Warbaahinta ayaa lagu qabtay xarunta PDRC ee Garoowe..
Furitaankii kulanka ayaa,waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Shiikh Jaamac,labadiisa Kuxigeen,Madaxda Ururka MAP, Briggte sins oo ahayd khabiir dhinaca Tababarada ah,Sarkaal ka socday isna Hay’ada Relief International,PUNSAA iyo Suxufiyiin…….
Xoghaya Guud Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP Burhaan Axmed Daahir oo daah-furay kulanka ayaa si faah-faahsan uga hadlay Ujeedada loo qabtay kulanka Wadatashiga ah ee ka furmay Garoowe.
Mudane Burhaan Axmed Daahir ayaa sheegay in kulanku ku saabsanyahay arrimaha Warbaahinta Puntland iyo Tayo-gelinta Ururka Suxufiyiinta ee MAP,wuxuuna Intaas ku daray in Ujeedada u Xooga saarayo kulanku ay tahay in la sharaxo Xeerka Qabyada ah ee u diyaarka ah in la horgeeyo Gollaha Wasiirada ugana si gudbo Baarlamaanka.
…”” Kulankan waxa uu xooga saarayaa in la sharaxo Xeerka qabyada ah ee hada gacanta ku hayso Wasaaradda Warfaafinta ee u diyaarka ah in la horgeeyo Gollaha Wasiirada dabadeedna uu uga si gudbo Baarlamaanka….””ayuu yiri
Guddoomiye Kuxigeenka Ururka MAP Maxamed Daahir Yuusuf”Saalim”” ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in ay kulanka kasoo qeybgalaan,wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyey Wasaaradda Warfaafinta iyo Suxufiyiinta sida Wanaagsan ee ay kulanka Wadatashiga ah uga soo qeybgaleen.
Wuxuu sheegay in kulanku yahay mid looga tashanayo sidii loo habeyn lahaa loona sare qaadi lahaa Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP Isla markaana lagu falanqeyn lahaa tubta toosan ee lagu hagi-lahaa Ururka.
….”” Maadaama Kulanku yahay Wadatashi,waxaa loo tashanayaa sidii loo habeyn lahaa loona sara qaadi lahaa Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP,waxaan Codsan lahaa inaad ka qeybgal muujisaan….””ayuu yiri Saalim.
Sidoo kale Maxamed Daahir Yuusuf ayaa ka Codsaday Wasaaradda Warfaafinta Puntland in ay xil gaar ah iska saaraan sidii Kalfadhiga Baarlamaanka ee soo socda u hordhigi lahaayeen Xeerka Warbaahinta Puntland.
…..’’Waxaan Wasaaradda usoo Jeedinayaa in Xeerkii Warbaahinta naga soo dhammaaday kana Codsaneynaa maadaama Baarlamaankii uusan hada fadhiyin in fadhiga ugu horreeya hadii ILLAAHAY idmo ay xil gaar ah iska saarto sidii loo hordhigi lahaa….”””ayuu yir.
Briggte sins oo FOJA u qaabilsan Puntland isla markaana Tababaro u qabatay Suxufiyiinta ayaa ka hadashay Maraxadihii kala duwanaa ee u soo maray Xeerka qabyada ah ee Warbaahinta Puntland kaas oo ay ku kala aragti duwanaadeen markii hore Ururka MAP iyo Wasaaradda Warfaafinta.
…””Xeerka aan gacanta ku hayno waa qoraal qabyo ah aynu ka eegnay Waxyaalaha aasaasiga ah ee Xeerarka Caalamiga ah ee Saxaafada,waxaan kaloo dubaqnay oo aad loo tixgeliyey dhaqanka,diinta iyo Waxyaabaha dadka reer Puntland qiimaha u leh…””ayey tiri Briggte sins
Axmed Cawil oo ka socday Hay’adda Relief Intenational gacana ka geysatay qabsoomida Shirka Wadatashiga ah ayaa sheegay in Hay’adoodu ay gacan siiso Warbaahinta Soomaaliyeed isla markaana ay siiyeen Tababaro badan oo dal iyo dibadba,wuxuuna Intaas ku daray in Ururka MAP garab taaganyihiin.
Cabdirisaaq oo Isna ka socday Ururka PUNSAA ayaa Suxufiyiintii kulanka Wadatashiga ah kasoo qeybgalay kula dardaarmay iney Muhiimad gaar ah Iska saaraan Xeerka qabyada ah ww Warbaahinta Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Puntland Axmed Shiikh Jaamac oo kulanka hadalo kasoo Jeediyey ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta Puntland xooga saari doonto sidii uu meel mar u noqon lahaa Xeerka qabyada ah ee Warbaahinta Puntland.
Wuxuu sheegay in Ururka MAP mudadii uu jiray uu wax badan u qabtay Suxufiyiinta reer Puntland isla markaana wuxuu kula dardaarmay Madaxda MAP iney badiyaan Tababarada ay siinayaan Suxufiyiinta si loo helo dad Xirfad leh.
Madaxda Tababarada ee Ururka MAP Yacquub Maxamed Cabdalla oo ay Raxanreeb weydiisay guulaha Ururku gaaray Sanadkaan ayuu sheegay in la sameeyey anshaxa Saxaafada iyo Xeerka Saxaafadda Puntland,taasin ay tahay guul usoo hoyatay dhammaanba Suxufiyiinta.
Mr Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dad aan aqoon u lahayn Warbaahinta isla markaana dacaayado la garab taagan Ururka MAP ay jiraan,kuwaas oon Ogoleyn horumarka Suxufiyiinta Puntland,wuxuuna Intaas ku daray in kuwaas marnaba loo joojin doonin.
Xeerka qabyada ah ee Warbaahinta Puntland ayaa la filayaa in dhawaan la horgeeyo Gollaha Wasiirada iyo Gollaha Baarlamaanka Puntland si meel mar loogu sameeyo Xeerka.
_______________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso