Muqdisho(RBC Radio) Mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo gudoonka baarlamaanka ayaa goor hore oo maanta ah sii xaadiray xarunta golaha shacabka,waxaana la sugayey madaxweyne Xasan SH oo daah furi doona Kala fadhiga Saddexaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliyaa.
Madaxweynaha ayaa daqiiqado ka hor gaaray Hoolka Shirarka ee xarunta golaha shacabka,madaxweynaha ayaa khudbadda furitaanka kala fadhiga Saddexaad ka jeedinaya kulanka maanta ee baarlamaanka,waxaana lagu wadaa inuu khudbadiisa diirada ku saaro waxqabadka dowladda uu hogaaminayo oo maanta Sanad jirsatay.
Gudoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo dhawaan shir jaraa’id qabtay ayaa ku amray dhammaan mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya iney soo xaadiraan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho si ay u gutaan hawsha ay shacabku ka sugayaan.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa kasoo laabtay fasax qaatay muddo Bil iyo Toban Maalmood ah,kadib markii uu u dhammaaday kala fadhigii Labaad iyo Bil ay yeelanayeen kala fadhi aan caadi ahayn,waxaana magaalada Muqdisho dib ugu soo laabanaya xildhibaanada baarlamaanka oo mudadii fasaxa lagu jiray safaro ku aaday deegaanada ay kasoo jeedaan iyo wadamada dibadda.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho