Muqdisho(RBC Radio) Kooxo hubaysan ayaa xalay weeraro abaabulan ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan degmooyinka Hiliwaa iyoYaaqshid ee gobolka Banaadir.
Kooxahan hubaysan ayaa weeraro qorsheysan ku qaaday xarumo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya,goobaha la weeraray ayaa waxaa kamid ah Warshadda hore ee Baastada,Xayala Bariise iyo hoyga gudoomiyaha degmada Hiliwaa Cumar Cabdulle Jacfaa.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay iney maqleen daryanka Madaafiic lagu tuuray gudaha xarumahan,waxaana intaa kadib bilaabatay rasaas culus oo ay isweydaarsanayeen kooxdii weerarka soo qaadday iyo ciidamadii ku sugnaa xarumaha weerarka lagu qaaday.
Dagaalka oo socday saacado kooban ayaan ilaa hadda wax faah faahin ah laga hayn khasaara dhabta ah ee uu dhaliyey,dagaalka iyo Madaafiicda ay isku adeegsanayeen dhinacyada dagaalamay ayaa walwal iyo cabsi ku beertay shacabka ku dhaqan xaafadaha ka agdhow goobaha la weeraray,qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay iney soo xasuusteen xiliyadii ay Muqdisho ku sugnaayeen ciidanka Ethiopia markaas oo dagaalao ay ka dhici jireen xiliyada habeenkii.
Masuuliyiinta degmooyinka weerarka lagu qaaday,saraakiisha booliska iyo dhanka Alshabaab oo Muqdisho ka fuliya weerarada nuucan ah ayaan ilaa hadda wax war ah kasoo saarin dagaaladan xalay ka dhacay xaafadaha Muqdisho ka tirsan.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho