Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/wasaarihi hore ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ku baaqay in shacabka iyo dowladdu ay u midoobaan la dagaalanka Al-shabaab

$
0
0

gaaaasUS(RBC ) R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan hay’adaha amniga dowladda iney shacabka Soomaaliyeed ka difaacaan dhibaatooyinka ay ku haysao kooxda Al-shabaab ee dagaalka ka wada gudaha dalka Soomaaliya.

R/wasaare Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Al-shabaab ku eedeeyey in markii lagu jabiyey furimaha dagaalka isla markaane ay lumiyeen taageeradii iyo kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed  ay bilaabeen iney dib shacabka u dhibaateeyaan,kulana kacaan falal naxariis darro ah.

Cabdiwali Maxamed Cali ayaa ku booriyey dowladda federaalka Soomaaliya iney shacabka ka dulqaado dhibaatada lagu hayo,wuxuuna kula dardaarmay madaxda dowladda iney buuxiyaan daldaloolada dhanka amniga ah iyo habacsanaanta ka jirta dhanka sugidda  amniga.

Al-shabaab ayuu sheegay iney ummadda Soomaaliyeed ka hortaagan yihiin amniga,dowladnimada iyo horumar ay gaaraan,wuxuuna ku guubaabiyey bulshada Soomaaliyeed iney u midoobaan sidii la iskaga qaban lahaa dhibaatada Al-shabaab ay dalka ku hayaan.

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay dowladda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney gacamaha isqabsadaan iskuna kaashadaan sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen cadowga kusoo duulay ee Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna hoosta ka xariiqay inaan xiligan loo baahneen  in cid gaara laga sugo wax ka qabashada dhibaatada dalka ka jirta,balse wuxuu xusay iney waajib ku tahay mawaadin walba inuu kaalintiisa ka qaato nabadaynta dalka.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles