Jowhar(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud oo shalay booqasho ku tagay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ballan qaaday fulinta qodobo amnigu ugu horeeyo oo ay hor dhigeen maamulka iyo waxgaradka gobolkaasi.
Masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha dhexe iyo waxgaradka gobolkaas ayaa madaxweynaha ka codsaday in laga taageero dhanka amniga isla markaane degmooyinka gobolkaas la geeyo ciidamada booliska,Madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa sheegay iney marar badan kusoo noqnoqdeen cabashada Shabeelaha dhexe ee la xiriirta in ciidamada amniga la geeyo gobolkaas.
Xasan SH madaxweynaha dalka ayaa ballan qaaday xilli uu hadal ka jeedinayey kulan uu la qaatay bulshada gobolka Shabeelaha dhexe in dowladda ay si deg deg ah ciidamada booliska u geyn doonto degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe,wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladda ay ka go’an tahay sidii ay wax uga qaban lahayd sugidda amniga degmooyinkaasi.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalmaha soo aaddan magaalooyinka Jowhar iyo Balcad lagu arki doono ciidamada booliska oo wata Gaadiidkooda oo ka hawlgalaya saldhigyada booliska magaalooyinkaas kuwaas oo sugi doona amniga dadka shacabka ah.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey in dowladdu ay wax badan ka qaban doonto sugidda amniga dalka,wuxuuna ku booriyey dadka shacabka ah iney dowladda gacan kusiiyaan sidii amniga loo xaqiijin lahaa.
Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan SH Maxamuud oo maanta sanad jirsatay ayaa waxaa lagu dhaliilaa iney ku fashilantay wax ka qabashada hawshii ugu weyneed ee loo igmaday oo ahayd soo celinta amniga dalka.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho