Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Siyaasi Madhoodhe oo ka waramay Mudaharaad Looga soo horjeeda Madaxweyne Xassan oo ka dhacaya Wadanka Biljamka Taageerayna Siyaasada Madaxweyne Faroole (Dhageyso)

$
0
0
madhoodhe

Maxamed Cali Madhoodhe

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

“Mudaharaadka waxa aan u dhigeynaa si aan u muujino dareenkayaga ku aadan dhibaatooyinka ka taagan dhulkayagii hooyo waa cabasho ku aadan sida dowlada ay u maareyeen dadkii aan u dooranay ee masuuliyiinta sare ahaa taasoo keentay in aan waqti u helno in aanu muujino dhibaatooyinka dalka oo soo batay”

Mudane Madhoodhe isaga oo ka jawaabaya in mudaharaadka ay shacabka Goboloada Puntland kasoo jeeda oo qura ay ku mudaharaadayaan Madaxweynaha waxa uu yiri.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAN KA DHAGEYSO

“ Waxaa meesha isugu imaanaya gobolada dalka dadka matala oo dhan baa isugu imaanaya Puntland, Bay, Bakool, Shabeelada Hoose, iyo Jubba”

Mar uu ka hadlayey qabanqaabiyaasha Mudaharadka aysan qeyb ka aheyn siyaasiyiin dhawaan Nairoobi ku kulmay waxa uu yiri.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

“Qeyb kama ahan waana wax shacuurta ay qabaan qof walba oo Soomaali ahna waa uu ka naxayaa dalka xaaladiisa anaga hadaanu nahay aqoonyahanka rajo ayaanu ka qabnay Xassan dadkii taageeray baanu aheyn waxaa noo muuqda mugdi badan waxaan bideynay Xassan Teamkisa in ay yihiin team samatabixin kara laakiin marnaba ma aan fileyn in Dowladiiba ay ragaad ku noqoto xamar oo ay gaacanta u gasho kooxo siyaabo kal gadisay ku midoobay”

Madhoodhe oo sheegaya goorta uu mudaharaadku dhacaya waxa uu yiri

“Mudaharaadku waxa uu ka dhacayaa dalka Biljamka magaalada Brusseles khaasatan halka lagu magacaabo Place Poelaert, taariikhdu marka ay tahay 16/09/2013 saacadu marka ay tahay 11am”

Maxamed Cali Madhoodhe

Maxamed Cali Madhoodhe

Puntland

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

Siyaasi Maxamed Cali Madhoodhe ayaa waxaa uu Madaxweyne Faroole uu ku tilmaamay madaxweyne wax weyn u qabtay guud ahaan dadka iyo dalka Soomaaliya waxa uuna yiri

“Waxyaalaha aan hada madaxweynaha ku taageersananahay waxaa weeye nidaamka hada Soomaaliya hada ka jira ee Fedaraalka ah waxa uu kamid ahaa dadkii dhidabada u aasay waxaan dhihi karaa waxa uu ahaa qofkii ugu adkaa ee hirgaliyey nidaamkaan hada dowlada ku dhisan tahay ayuu ahaa”.

“Waxaan kaloo ku amaanayaa Puntland iska daaye Gobolada kale ee dalka in sy Fedraalkaas oo kale in ay noqdaan xiriirka siyaasada dibada ee uu la leeyahay wadamada dariska ee nabadgalyada iyo wada shaqeynta ku saabsana iyada laftirkeeda dheeri buu ka yahay”.

Mudane Madhoodhe ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey isbadalada Siyasadeed ee Puntland ay hada mareyso waxuuna yiri.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

“Madaxweynaha waa uu ku mahadsan yahay sidii u wajaha arinkii Qardho ee mucaardka ahaa iyo warqadihii lagu daadiyey waan uga mahadcelinayaa, ma xuma mar hadii ay hirgali weyday nidaamkii Dimuqraadiyada aheyd oo layiri sidii hore hala isku doorto marka Dadka waxa ay ku heshiiyaan ayaa qaanuun u ah”

Siyaasi Madhoodhe ayaa waxa uu golaha wasiirada Puntland ugu baaqay in ay fadhiga ka kacaan oo sida Madaxweynaha oo kele ay ka hadlaan cidii khatar ku haysa Puntland.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

“Puntland ma Faroole kaliyaa isaga un baa ka ahadla waayahaan danbe baanu maqleynay Wasiir Ceydiid iyo Gudoomiyaha Nugaal Madaxweynaha un baad moodaa in siyaasada Puntland ka hadlaan aawaye dadkii kale ee wasiirada ahaa ee Dowlada la shaqeynayey ee maamulka kamid ahaa marka anigu waxaan dhihi lahaa intii uu soo waday waa uu ku mahadsan yahay ninkii soo waday buu ahaa”.

Ugu danbeyntii Mudane Maxamed Cali Madhoodhe waxa uu Madaxda dalka ugu Baaqay in shacabka u cadaalad falaan.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

“waxaan ugu baaqayaa umada Soomaaliyeed Midnimo umada waxa ay u baahan yihiin dhayid, waxa ay u baahan yihiin isu keen, dadka waxaa deeqda cadaalad, Sinaan , isgarab istaag iyo hadal wanaagsan baa deeqda intaas baana ugu baaqayaa madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed”

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles