Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ahlu Sunnada Koonfurta Soomaaliya oo Ku Baaqday inaan Maamul Goboleed loo Samayn Wax Ka Yar 6 Gobol

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Culima udiinka ahlu sunna ee gobolada Koonfureed ayaa si kulul u dhaleeceeyey maamul goboleedyada laga qaban qaabinayo dhismahooda deegaano kala gadisan oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Kismaayo,Baydhabo iyo doolow kuwaas oo dhamaantood lagu doonayo dhisida maamul goboleedyo ay yeeshaan gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Xoghayaha gaashaandhiga culima udiinka ahlu sunna waljamaaca ee gobolada Koonfureed Sheekh Isxaaq Max’ed Mursal oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay iney ka hor jeedaan ololaha ka socda magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolada koonfureed ee dalka wuxuuna sheegay in ahlu sunna aysan ogolaan doonin in maamul goboleed loo dhsio wax ka yar 6 gobol.

Sheekh Isxaaq ayaa hoosta ka xariiqay in wixii ka yar 6 gobol hadii loo sameeyo maamul goboleed ay taasi calaamad u tahay in lakala qoqobo shacabka Soomaaliyeed lana sii kala fogeeyo,wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed uusan xiligan u baahneen in la kala qoqobo ee uu u baahan yahay in dib la iskugu keeno.

Xoghayaha difaaca  ahlu sunna ee gobolada Koonfureed ayaa ugu danbeytii ku booriyey shacabka SOomaaliyeed iney la dagaalamaan ururka alshabaab wuxuuna tilmaamay iney u wanaagsan tahay dadka Soomaaliyeed iney ka kaaftoomaan ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye,isagoona tilmaamay in Soomaalida ay ka adkaan karto alshabaab hadii ay si dhab ah ugu soo jeestaan dagaal ka dhan ah.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles