Muqdisho (RBC) Ciidamada Midowga Afrika [AMISOM] ayaa goordhow xabsiga u taxaabay Yuusuf Maxamed Siyaad “Indhacadde” oo dawladii ku-meelgaarka ahayd ay u magacawday derejada “Jeneraal militari”.
Xariga Yuusuf Indhacadde ayaa ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaasoo ciidamada AMISOM ay ka qabteen Indhacadde oo isku dayey inuu galo garoonka diyaaradaha isagoo wata maleeshiyo hubeysan.
Qof goobjooge ah ayaa Raxanreeb u sheegay in saaka Indhacadde oo wata maleeshiyaad isaga daacad u ah ay isku dayeen inay gudaha u galaan garoonka diyaaradaha Muqdisho hase yeeshee ciidamada AMISOM ee jooga garoonka ay ka hor istaageen taasoo keentay in muran uu dhexmaro ciidamada amaanka garoonka ilaaliya iyo maleeshiyada Indhacadde watay.
Ciidamo ka tirsan kumaandoska AMISOM ayaa markiiba goobta soo gaaray, waxayna qabteen Yuusuf Indhacadde iyagoo labada lugood iyo gacmaha kaga xiray Jeebo [katiinad] isagoo lagu qaaday baabuur qafilan oo ay AMISOM leedahay. Yuusuf Indhacadde oo gacmaha iyo lugaha ka xiran ayaa loo kexeeyay xarun ay leeyihiin AMISOM oo hadda lagu hayo. Maleeshiyadii la socotay Indhacadde ayaa dib uga laabtay garoonka markii isaga la xiray.
Ma cadda sababta Yuusuf Indhacadde uu ka damacsanaa inuu maleeshiyadiisa la galo garoonka diyaaradaha oo madaxda dawlada kaliya loo ogol yahay inay ilaalo la galaan.
Wariye ka tirsan Raxanreeb ayaa sheegaya in Indhacadde had iyo jeer lagu arko garoonka diyaaradaha Muqdisho maalin kasta iyadoo aan la garaneyn waxa uu halkaasi ka qabto.
Dawlada iyo taliska AMISOM midna kama hadlin xariga Yuusuf Indhacadde saaka loogu geystay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Yuusuf Indhacadde oo horey uga tirsanaa ururkii burburay ee Xisbul Islaami iyo Maxkamadihii Islaamiga ayaa dawladii ku-meelgaarka ahayd ka soo qabtay xil wasaaradeed, wuxuuna waayadan dambe ahaa nin aan wax shaqo ah u heyn dawlada iyo ciidamada.
Dhamaadkii Sanadkii 2011 ayay AMISOM waxay hubkii waaweynaa ka qaaday maleeshiyada Yuusuf Indhacadde kadib markii uu isagu sheegay inuu aqbalay inuu hubka wareejiyo.
RBC Radio