Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Waxgaradka Gobolka Sh/dhexe oo ku Guuleystay iney isa soo Hor Fariisiyaan Beelo Walaalo ah oo ku Dagaalamay Gobolkaas

$
0
0

Jowhar(RBC Radio) Odayaasha dhaqanka gobolka Shabeelaha dhexe oo ku midoobay dallada dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka beeelaha gobolkaas ayaa shaaca ka qaaday in 2 beelood oo walaalaha oo ku dagaalamay bariga gobolkaas ay heshiis kala dhex dhigeen gudoomiyaha dallada dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka beelaha wada daga gobolka Shabeelaha dhexe C/qani Sh Max’ed ayaa sheegay in 2-da beelood ay u hogaansameen in la xaliyo colaada ka dhex taagan.

Gudoomiyeyaha gudiga dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka gobolka shabeelaha dhexe ayaa ku amaanay sida wanaagsan ee beelaha walaalaha ah ay ugu hogaansameen dhex dhexaadinta ay ka dhex wadaan,waxayna sheegeen iney si deg deg ah heshiis rasmi ah u kala dhex dhigayaan beelahan walaalaha ah oo ku dagaalamay bariga gobolka Shabeelaha dhexe.

Dagaalka 2-da beelood ayaa salka ku haya muran dhul beereed iyo waliba aanooyin qabiil oo muddo soo jitamayey waxaana hada ka socota magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaas waan-waan ay wadaan waxgaradka iyo oday dhaqameedyada gobolkaas oo gacan ka helaya maamulka dowlada ee gobolkaas taasoo lagu doonayo in lagu soo afmeero colaada ka dhex jirta beelahan walaalaha ah.

Gobolka shabeelaha dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa caan ku ah dhul beereedka iyo waliba xoolaha nool waxaana kusoo noqnoqday dagaalka gacan ka hadalka ah ee dhex mara beelaha ku dagaalama gobolkaas kaasoo salka ku haya muranada ka dhashay dhulbeereedyada iyo daaqsinka.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles