Muqdisho(RBC Radio) Xukuumada Soomaaliyaayaa ka hadashay halka uu marayo baaritaano ay ku hayaan sababaha ka danbeeyey meydadka dad badan oo lasoo dhigay wadooyinka magaalada Muqdisho xafiiska R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan halka ay marayso baaritaaanada ay wadaan gudi ay golaha wasiiradu u saareen arintaasi wuxuuna u qornaa warsaxaafadeedka kasoo baxay R/wasaare Saacid.
“War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaalia oo laxiriira dhacdadii dilka ahayd ee kadhacday Magaalada Mogdisho March 14, 2013. Dhacdadaasi oo golaha wasiiradu u xilsaareen soo baaristeeda gudi Sadex xubnood ka kooban oo ka tirsan golaha wasiirada.
Gudigaas oo laga sugayay inay golaha jawaab kusoo celiyaan maanta ooy taariikhdu tahay March 19, 2013.
Haddaba Gudigii markay hawshii guda galeen ayaa waxaa u soo baxday inuu u baahan yahay wakhti dheeri ah oo uu kusoo dhamaysto baaritaankiisii una soo gudbiyo gollaha wasiirada markii arintan uu soo afjaro.
Mahadsanid.
Abdullahi Elmoge Hersi
Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, & Gaadiidka.
Somalia
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho