Hargeysa(RBC):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay qor-u-kac ku yimi qiimaha Lacagta Doollarka ah lagu sarrifo, kaasoo saameeyey qiimaha nolosha, ka dib markii ay kor u kaceen, isla markaana qaaliyoobeen Muceeshadda iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha Aadamaha.
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa ka hadlay kor-u-kaca qiimaha Doollarka iyo Sicir-bararka hadheeyey Suuqyada magaalooyinka Somaliland, waxaanu sheegay in kor-u-kaca qiimaha Doollarka ay wakhtigan sabab u tahay dhaqdhaqaaq yari hadhaysay Dekedda magaalada Berbera oo ah Dekedda keliya ee wax uga dhoofaan, ugana soo degaan Somaliland.
Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Maamulka Somaliland Cabdi Dirir Cali oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa uu ka sheekeeyey qaaliyoowga Doollarka Maraykanka oo sarrifkiisu kor uga kacay Suuqyada lacagaha qalaad lagu kala sarrifo ee Somaliland. “Waxay ku xidhan tahay Doollarka hoos-u-dhiciisa iyo kor u kiciisu lacagta ku jirta suuqa oo marka lacagta Somaliland ay Suuqa ka yaraato qiimay yeelataa oo Doollarka ayaa hoos u dhaca, marka ay ku badatana qiimaheeda ayaa hoos-u-dhaca oo Doollarka ayaa kaca.” ayuu yiri Cabdi Dirir Cali Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland.
Waxa uu Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cali oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yiri; “Dekedda Berbera dhaqdhaqaaqeeda ayay iyana ku xidhan tahay oo Bedeecado marka ay ka soo degayaan waxa Suuqa soo gala lacag Doollar ah oo la Sarrifo oo lagu soo cashuuro, markaa qiimaha Doollarka ayaa jaba. Immika wax ma dhoofinno, immika Xoolo ma dhoofinayno Doollarkuna wuu yar yahay. Markaa, taasaa keentay inuu kor-u-kaco Doollarku. Dekedda Berbera-na dhaqadhaqaaq hagaagsani kama jiro hadda, markaas oo kale annagu Suuqaannu lacag gelinnaa si aannu ugu ilaalino qiimaha Doollarka.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Baanka dhexe waxa uu sheegay inay Wasaaradda Maaliyadda, Rugta Ganacsiga iyo Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland isaga imanayaan sidii looga tashan lahaa fadhiisinta qiimaha Doollarka ee meelinba heerka uu doono gaadhaya, kaasoo saamayn taban ku yeeshay qaybaha kala duwan ee Bulshada oo uu taabtay qiimaha wax iibsiga Muceeshadda iyo Waxyaabaha kale ee Nolosha Aadamaha daruuriga u ah oo maalinba maalinta ka dambaysa wax ku sii kordha mooyee qiimo ka jaba ama hoos uga dhacaa aanu jirin.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee Xukuumadda Somaliland ka hadasho kor-u-kaca toddobaadyadii u dambeeyey ku yimi qiimaha lagu sarrifo Lacagta Doollarka ah, taasoo dhibteeda ugu badani taabanayso Bulshada danyarta ah oo lacagta Shilinka Somaliland waxba u jaraynin marka uu Doollarku kaco.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.