Muqdisho(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaas uu caawa ka dhacay qarax aad u weyn dadka ku sugan magaalada Diinsoor ayaa inoo xaqiijiyey in caawa uu magaaladaasi ka dhacay qarax dhawaqiisa laga maqlay gudaha iyo daafaha magaalada diinsoor.
Sida aan wararka ku heleyno qaraxa ayaa ka dhacay Garoonkii kubadda gacanta degmada Diinsoor oo hada fariisin ciidan u ah kooxda alshabaab ee gacanta ku haysa magaaladaas wararka laga helayo goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa tilmaamay in qaraxaasi uu ahaa gaari laga buuxiyey waxyaabaha qarxa kaasoo ay diyaarinayeen rag ka tirsan ururka alshabaab waxaana la xaqiijiyey in gaarigu uu ku qarxay raggii ku hawlanaan diyaarintiisa.
Wararka horu dhaca ah ee aan ka heleyno magaalada Diinsoor ayaa tibaaxay in ugu yaraan 16 katirsan kooxda alshabaab oo iskugu jira saraakiil iyo ciidan caadi ah ay ku nafwaayeen qaraxa caawa ka dhacay gudaha degmada Diinsoor waxaana kaloo jira waxyeelo soo gaartay shacabka ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.
Ururka alshabaab ayaa marar hore ee badan waxaa dhacday in qaraxyo ay diyaarinayaan ay iyaga ku qarxaan halkaas oo ay dhibaato ba’ani kasoo gaarto alshabaab,qaraxa caawa dhacay ayaa dadka magaalada Diinsoor ku abuuray wel wel iyo cabsi,alshabaab ayaan wali ka hadlin qaraxaasi qasaaraha uu u geystay iyo waxa uu ahaa intaba.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho