Gaalkacyo[RBC Radio]Gaalkacyo waxaa maantay dib ugu soo labtay waftigii Puntland uga qaybgalay shirkii looga hadalayay Isbadalka cimilada Soomaaliya kaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Xarunta dalkane Soomaaliya.
Shirkani oo ahaa mid looga hadlayey isbadalka cimiladda dalka ayaa Puntland waxaa ay udirsatay wafti uga qoybgala waftigaasi oo ahaa wafti heer wasir ah ayaa waxaa horsocday Wasiir kuxigeenka Deegaanka Puntland Mudane Burhaan Cilmi Xirsi waxana ku weheliyay Wasiir kuxigeenka Qorshaynta iyo iskaashiga xiriirka caalamigaa Mudane Axmed ibraahin cabdiraxmaan, iyo Maxamed Cabdi cilmi oo ah madax Mashaariicda Hay’ada daryeelka bulshada Puntland iyagona Muqdiso ugaray si ay shirkaasi uga qayb galaan.
Shir saxaafaded ay waftigu kaga warbixinayeen waxaa uu lugu soo qaday ama loga wada hadlay shirkii looga hadalayay Isbadalka cimilada Soomaaliya ayaa waxaa ay maantay ku qabteen magaaladda Gaalkacyo waxaan warbahiinta uga waramay shirkaasi arimihi la isla mel dhigay iyo mira dhalkiisaba Wasiir kuxigeenka Deegaanka Puntland Mudane Burhaan Cilmi Xirsi waxana uu wasiir kuxigeenku sheegay inuu shirkaasi ahaa mid muhimad ugu fadhiyaa dhinacyadda Soomaalida ee ka qayb gashay maadama sidaa uu sheegay laga hadlay arimo dhor ah oo la is oran karo waa kuwo kataagan xiligaan dhulka Soomaalida.
Wasiir kuxigeenka oo hadalkiisa sii wataa ayaa sheegay in arimaha sidda ad ka ah ay uga faaloden islamarkana falaqenta lugu sameyey ay kamid ahayeen ilaalinta deegaanka iyo sidoo kale biyaha sida macno darada ah ugu daata kuwaso an laga faa’iidaysan.
“Shirkan waxaa uu ahaa mid muhim uu ah waxana la isla soo qaday arimo la is oran karo waa kuwo dhib ku hayaa deegaanka islamarkana loga bahan yahay in bulshada ay ka hortagto ayna ku dhiranaato,haddii an kahadlo ajandaha shirku waxaa uu ahaa isbadalka cimilada deegaanka balaaran ee Soomaalida kajirta waxaa xusid mudan in anuu ku dheeranay ka hadlida ilaalinta deegaanka maadama xiligaan xalaf ba’an ay jiraan dad ku hayaa dhulka taasi oo dhalin kartaa nabad gurka deegaan wax tarka leh,arintakale ee iyaduna la rog rogay ayaa ahyeed ka dhorsananta biyaha oo si bilaa faa’iido ah u qobtaa ama udaata iyadoo ay jiraan baahi faro badan oo biyaahasi looqabo”waxaa sidaasi yiri Wasiir kuxigeenka Deegaanka Puntland Mudane Burhaan Cilmi Xirsi.
Ugu daanbayenti waxaa uu hadalkiisa ku soo qaday Wasiir kuxigeenka Deegaanka in shirka ay kala yimaaden cilmi badan oo ay kasoo faa’iiden oo ay kamid tahay ilaalinta deegaanka iyo dhowrista biyaha waxana uu intaasi racshay in isbadal balaaran oo ka dhashay cimilada ka jirtaa dalkeena Soomaaliya.
Dhawan ayey ahyeed markii Puntland ay wafti udirsatay shirkan kaasi oo ay ka soo qayb galeen xubno wasiiro kuxigeeno ah kuwaasi oo matalayey Puntland iyadoona ay shirkaasi cimilada dalka looga hadlayey ay kasoo qayb galeen deegaano iyo gobolo ku yaala dalka kuwasii oo lo tusaalaeynayey dhibaatada deegaabka haysata iyo isbadalka cimilada ee xiligan katagan Soomaaliya.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio Xafiiska Wararka Gaalkacyo