Addis Ababa[RBC Radio]Magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaa wali kusugan wafti uu hor-kacayo madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyed Dr.Cabdirixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud(Faroole),waxana socdaalku uu madaxweynaha iyo watigiisa ku joogan Addis Ababa uu qeyb ka yahay,socdaal ay ku doonayan inay ku tagaan qar ka mid ah dalalka dariska.
Madaxweyne Faroole oo kulamo kala gadis Addis Ababa kula qaatey madaxda dalka Ethiopia,oo ay ka mid ahaayn R/wasaaraha dalka ee Hailemariam Desalegn iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Tedros Adhanom.
Sidoo kale waxay waftigaan horey usoo maren magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya,halkaaso muddo ay kusugnaayen isku soo arkeen xubo ka tirsan Beesha Caalamka iyo madaxda dalkaas Kenya.
Sida lugu sheegey war kasoo baxay waftiga madaxweyanah waxaa dhawan uu waftigaa tagi doona dalka Djibouti halkasoo ay casuumad rasmi ah ka haystaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Dr Ismaciil Cumar Geelle iyadoo uu Wafdiga Puntland ka qeybgali doono munaasabad ballaaran oo lagu qaban doono dalka Djibouti inshaa’allah.
Waxaana maantey ay booqosho ku tageen waftiga madaxweyne Faroole oo ay ku waheliyaan Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame, Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Ahmed Jamac (Ilkajir) iyo sarakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland ,Safaaradda Jamhuuriyadda Djibouti ee dalka Ethiopia,waxana safaaradda kusoo dhaweeyey masuuliyinta safaaradda.
Safiirka Djibouti ee Ethiopia Ambassador Maxamad Idris Faarax iyo sarakiil ka tirsan Xoogga Dalka Djibouti ayaa ku qaabilay Wafdiga Puntland xarunta Safaaradda Djibouti oo ku taala bartamaha magaaladda Addis Ababa.
Madaxweynaha iyo waftigiisa lama shaacin mudda ay joogi doonan xiliga ay gaaran dalka Djibouti,halkaaso ay kula balansanyihiin madaxda sare ee dalka.
____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio