Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxwynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kulane la qaatay wafdi ka socday dalka Sweden

$
0
0

xasaan shiikhMuqdisho{RBC Radio} Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga iyo wafdigii ka tirsan Xukuumadda oo ay diyaarad ka soo qaaday magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose.

Wasiirada Gaashaandhigga,wasiirka arimaha Gudaha iyo amniga qaranka, wasiirka cadaalada arimaha diinta iyo owqaafta C/llaahi Abyan Nuur,Bashiir Maxamed jaamac Agaasimaha hay’adda Nabadsugida qaranka iyo xubno kamid ah Baarlamaanka Soomaliya ayaa ku wehelinayay madaxweynaha safarkiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gaaray magaalada marka isga oo   xalay ku hooyday Magaaladaas,waxaana uuna kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshada waxa ayna ka wada hadleen xaalada amni ee gobolka iyo arimo kale oo quseeya gobolka.

Markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho Madaxweynaha dowlada federaalka ah ee Soomaaliya waxaa si diiran loogu soo dhoweeyay gudaha garoonka diyaarada Muqdisho,waxaana uu   madaxweynuhu kulamo la qaatay wafdi ka socday dalka Sweden oo ay hogaaminayso wasiirka Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah eedalka Sweden.

Wasiirka Iskaashiga iyo hormarinta caalamiga ah ee dalka Sweden  MS Kuliina kaarsoon ayaa sheegtay in ay dowlada Sweden Soomaaliya ugu deeqi doonto 40 malyan oo wax looga qaban doono adeegyada caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed ay u baahanyihiin.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles