Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Axmed Madoobe”waxaan tagaya dhawaan Muqdisho,wana la dhameeyey khilaafki DFS iyo Jubba,maamulkana haddan dhameystirena”[DHAGAYSO]

$
0
0
Axmed Madoobe

Axmed Madoobe

Kismaayo[RBC Radio]Magaaladda Kismaayo ee saldhigga uu ah maamulka KMG-ah ee Jubba,waxaa goor dhawed shir jaraa’id ku qabtey madaxweynaha maamulka Jubba,Axmed Maxamed Islaamc (Axmed Madoobe)waxana uu ka hadley arrimo dhoor ah oo ay ka mid yihiin heshiiskii dhawaan ay Addis Ababa kula soo galen dowladda faderaalka Soomaaliya,iya sida uu yahay xiriirka xiligaan dhex yaala iyaga iyo dowladda faderaalka.

Axmed Madoobe waxaa uu hadalkiisa ugu horen kaga hadley safaradii uu kaga maqna magaaladda Kismaayo,waxana uu sheegey in maqnaashiyahooda ay wax badan kusoo kordhisey danaha gobollada maamulka Jubba.

Waxaa uu sheegey Sheekh Axmed Madoobe,in Kismaayo ay dib ugu soo labteen iyagoo hoggaaminaya maamul ay wadda aqoon sanyihiin caalamku dhan,taasina ay ku timid dadaal badan oo ay sameeyen sida uu sheegey.

…”"”‘Waxaan soo marney meelo badan waxan u tageeney sidii an u dhameen lahen waxa hor-taagan maamulka ay dhisteen dadka reer Jubba,waxaa guul inoo ah inan soo labaney anagoo ah maamul lawada aqoon san yahay,taasna waxaa dhaliyey qofkasta oo reer Jubba ah…”"‘ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Halkaan ka Dhagyso shirkii Jaraa’id ee Axmed Madoobe

Axmed Madoobe waxaa kalo uu shirkiisa jaraa’id kuso qadey wada-xaajodkii ay wada gaaren maamulkiisa iyo dowladda faderaalka Soomaaliya,waxana uu sheegey in is-afgarad buuxa ay kusoo kala tageen dhawaana ay bilaami doonan shirar lugu xoojinayo heshiiskii lagaarey.

DFS iyo Jubba oo khilafkoodi dhamaadey

DFS iyo Jubba oo khilafkoodi dhamaadey

…”"‘Dowladda waxan wada gaarney heshiis buuxa,waxana dhawaan ka furmi doona magaaladda Muqdisho iyo Kismaayo shirar heshiiska lugu xoojinayo,waxana mid labadda dhinacba ay isla garteen…”"‘ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba waxaa uu mahad-celin u jeediyay madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud ,waxana uu sheegey inuu dadaal dheer u galey in lasoo gaba gabeeyo khilaafki dhex yaaley dowladda iyo maamulka Jubba.

Waxaa sidoo kale uu soo hadal qadey dhameestirka maamulka Jubba,waxana uu sheegey inay hor-tagneed khilafkii dhex yaaley iyaga iyo dowladda balse waxaa uu sheegey dhawan inay soo dhamestiri doonan.

Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba ayaa intaas raaciyay in dhowaan ay booqasho ku tagi doonaan magaalada Muqdisho, halkaasoo ay kula kumi doonaan madaxda dowladda federaalka.,waxana kalo uu hadalkiisa kusoo qadey inay filaya in madaxweynaha Soomaaliya uu isna yimaado Kismaayo.

….”"”"Waxan dhawan booqasho ku tageena Muqdisho waxana halka kula soo kulmeena madaxda dowladda,anagoo rajeenayna in madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh uu isna yimaado Kismaayo,si uu u arko shacabka reer Kismaayo iyo maamulkooda…”"”‘ayuu ku sheegey shirkiisa Jaraa’id madaxweyne Axmed Madoobe.

Hadalkaan Axmed Madoobe ayaa yimid kadib markii dhawaan magaaladda Addis Ababa ku hishiiyen dowladda faderaalka iyo maamul kiisa,kaaso meesha ka sarey khilafkii u dhaxeeyey labada dhinac.

____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles