Clik here to view.

Madaxweyne Faroole iyo R/wasaaraha Ethiopia Hailemariam
Addis Ababa[RBC Radio]R/wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa ka hadley hananka ay taageerayn Urur-Goboleedka IGAD iyo dowladiisu,waxaana uu si cadd u sheegey inay tahay qorshaha kaliya ee xiligaan ay garab istaagayn Soomaaliya oo lugu dhaqo nidaamka Federaalka.
Hailemariam Desalegn R/wasaaraha Ethiopia waxaa uu hadalkiisa ku sheegey inay doonayan Soomaaliya oo laga dhaqan galiyo nidaam ay kuwada qanacsanyihiin maamulada dalka ka jira iyo dhamanba shacan Soomaaliyed.
Hailemariam ayaa hadalkaan ka sheegey kulan uu shaley madaxtooyada dalkaasi kula qatey madaxweynada dowladda Puntland ee Soomaaliya Cabdirixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole.
…”"”Rai’sul Wasaaraha Ethiopia wuxuu hoosta ka xariiqay in Ethiopia iyo dhammaan Dowladaha Urur-Goboleedka IGAD ay taageersan yihiin in dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya lagu saleeyo Dastuurka Federaalka iyo hirgalinta nidaamka Federaalka, sida dhisida Maamullada Federaaliga ah (States)…”"”ayaa lugu sheegey war-saxaafadeed kasoo baxay kulanka madaxweyne Faroole iyo R/wasaare Hailemariam.
Sidoo kale waxaa uu sheegey Hailemariam Desalegn in ay taageeri doonan maamulada dalka ka dhisma,maada uu dastuurka dalku dhigayo in gobollada dalka labadii gobollba ay noqon karaan maamul,waxana uu taasi haddii ay dhacdo ku sheegey R/wasaare Desalegn in laga baxayo dhibaataddii ay Soomaaliya kusoo jirtey 22-sanno.
…”"”‘Mida kaliya ee xiligaan looga baxi karo dhibaatadda ka jirta Soomaaliya,oo inteeda badan ka timaada gobollada dalka,waxay u muuqata inay tahay iyadoo dalka laga hirgaliyo nidamkii gobollada oo labadii gobollba ay maamul noqdan,waxaa halkaa ka dhalanaya in gobolladu iyo maamuladdu ay ku baratamaan horumarka meeshasna waxaa ku dhamaanaya buur buurka uu dalka ku jiro….”””ayuu yiri R,wasaare Hailemariam.
Ugu danbeenti waxaa uu hadalkiisa kusoo qadey Hailemariam Desalegn in marwalba dowladda diisu taageereyso Soomaaliya xasilooni dhab ah oo ka dhalato.
Muddooyinlii danbe dowladda Ethiopia waxay ku howlaneed sidii looso afmeeri laha khilaafadka dhex yaala dhinacyadda Soomaalida,waxana dhawaan magaaladda caasumada uu ah dalkaas ee Addis Ababa lugu soo gaba gabeeyey khilaf u dhaxeeyey dowladda faderaalka iyo maamulkii Jubbaland ee xiligaan la yirahdo Jubbaa,waxana xiligaan la sheegaya in xukuumada Ethiopia ay isku dayeeso sidii loo xalin lahaa khilafka sii xooggeystey ee dhex yaala dowladda faderaalka iyo Puntland.
____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio