Muqdisho{RBC Radio} Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku booriyey iney xoogga saaraan sidii ay dalka gudihiisa uga abuuri lahaayeen wax soo saar,Maxamuud Axmed NUur tarsan gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iney fikir cusub kusoo kordhiyaan ganacsigooda.
Maxamed Axmed Nuur Tarsan ayaa ku guubaabiyey ganacsatada Soomaaliyeed iney joojiyaan shixnadaha ganacsi ee ay kasoo rarayaan dalka dibadiisa iyo lacagaha faraha badan ee dalka laga saarayo,wuxuuna soo jeediyey iney ganacsatadu abuuraan Warshado dalka gudihiisa wax kasoo saara.
“waa inaad joojisaan Sonkorta aad kasoo iibinaysaan Brazil,waa inaad furtaan Warshad Sifeysa Sonkorta maadaama dalka laga helayo qasabka Sonkorta laga sameeyo”ayuu yiri gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa u sheegay ganacsatada Soomaaliyeed xilli uu ka hadlayey kulan uu shalay Muqdisho kula qaatay iney haboon tahay iney gudaha dalka usoo raraan ganacsiyada baaxadda weyn ee ay ka hirgaliyeen wadamo ay ka mid yihiin Kenya iyo Koonfurta Suudaan,wuxuuna sheegay in faa’iidada ay ka helaan Afar Jibaarkeed ay ka helayaan gudaha dalka.
Wuxuuna ku tirtirsiiyey ganacsatada iney wax isku darsadaan isla markaane ay u istaagaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka,isagoona arin aan suurtagal ahayn ku tilmaamay in Soomaalidu ay sugaan deeqaha dibadda in dalka lagu dhiso.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho