Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

SH Nuur Baaruud Gurxan oo sheegay in qodobada qaar ee Dastuurka Soomaaliya ay si cad uga hor imaanayaan Shareecada Islaamka

$
0
0

gurxanMuqdisho{RBC Radio} Afhayeenka hay’adda Culimada Soomaaliyeed SH Nuur Baaruud Gurxan ayaa si kulul u weeraray qodobada qaar ee ku jira Dastuurka kumeelgaarka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya,SH Nuur Baaruud  Gurxan ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay qodobo Dastuurka ku jira qaarkood.

SH Nuur Baaruud Gurxan  oo ka jawaabayey hadal ay shirweynaha ka tashiga aayaha Soomaaliya ka jeediyeen qaar kamid ah ergada ka qaygalaysa kuwaas oo soo daliishanayey qodobka 17da ee Dastuurka oo dhigaya in qof walba oo Soomaali uu xaq u leeyahay in lagu ixtiraamo fikirka iyo Diinta uu aamisan yahay,SH Baaruud ayaa gaashaanka u daruuray qodobkaas,wuxuuna sheegay inuu si cad uga hor imaanayo Shareecada Islaamka.

Afhayeenka Hay’adda Culimada SH Nuur Baaruud ayaa sheegay in Diinta Islaamku ay meel Iska taagtay,wuxuuna soo daliishay Aayadda Quraanka ah ee faraysa in la dilo ruuxa Muslimka ahaa ee bedelay DIintiisa,wuxuuna sheegay iney tahay arin aan la qaadan karin in la baal maro Aayaadka Rabbi.

SH Nuur Baaruud ayaa sheegay iney jiraan dad sida uu sheegay u ololeynaya hirgalinta qodobada nuucaas ah,wuxuuna ku sifeeyey iney yihiin dad quluubta ka jiran sida uu hadalka u dhigay, SHeekha ayaa si cad u sheegay iney tahay arin aan la aqbali karin in Diinta lagu Ciyaaro.

Afhayeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa qalad ku tilmaamay fikirka ah inaan lala hadleen qofkii Soomaali ah ee qaata Diin kale wuxuuna hoosta ka xariiqay ineysan taas su’aal ka taagneen,xukunkiisune uu yahay dil.

Qodobo badan oo ku jira Dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay muran fara badan,baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo xilsaaray iney tifatiraan Dastuurka ka hor inta aan la horgeyn Afti dadweyne.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles