Muqdisho{RBC Radio} Maamulka gobolka Banaadir ayaa baaq u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee Shidaalka,afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo Shir jaraa’id qabtay kadib markii shalay ay ku basbeeleen goobo shidaalka lagu iibin jiray dab ka kacay degmada hodon ee magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay ganacasatada shidaalka iney bedelaan habka ay xiligan shidaalka uga ganacsadaan.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulku uu hore uga digay dhibaatada ka dhalan karta shidaalka wadooyinka lagu iibinayo sida uu sheegay,wuxuuna ku booriyey ganacsatada iney Shidaalka u bedelaan goobaha loogu talagalay ee Kaalimaha Shidaalka.
Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in kaalimaha shidaalku ay ka ammaan badan yihiin shidaalka dibadda lagu iibinayo.wuxuuna xusay in Batroolka Ajabka lagu iibinayo uu sare u qaadayo bilicda magaalada Caasimadda ee Muqdisho,isla markaane ay sahlan tahay in la damiyo hadii uu dab ka koco.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa tibaaxay in maamulku uu marar badan uga digay ganacsatada dhibaatada ka dhalan karta shidaalka,wuxuuna tilmaamay iney ganacsatada mar kale ugu baaqayaan iney iibsadaan dab damisyada yar yar ee looga hortago xiliyada uu dabku bilowga yahay.
Wuxuuna sheegay in hadii la helo dab damisyadaas ay qayb weyn ka qaadanayaan in dabka kaca uusan isku bedelin Musiibo aan waxba laga qaban karin oo galaafatay naf iyo maalba,baaqa maamulka gobolka VBanaadir ayaa kusoo beegmay xilli shalay dab ka kacay goob shidaalka lagu kaydiyo oo Muqdisho ku taal uu ka dhashay khasaaro dhimasho,dhaawac iyo burbur hantiyteedba leh.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho