Beledweyne{RBC Radio} Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in xalay fiidkii ay kooxo hubaysan weerar ku qaadeen xarunta ay magaaladaasi ku leedahay Hay’adda Miinooyinka ee Main Action,wararka aan heleyno ayaa tilmaamaya in rag hubaysan ay weerar qaraxyo ah ku qaadeen xarunta hay’addu ay ku leedahay magaalada Beledweyne.
Koox hubaysan ayaa la tilmaamay iney bambaanooyinka gacanta laga tuuro ku weerareen gudaha xarunta hay’adda Miinooyinka dunida ee Main Action,xarunta la weeraray oo ku taalla Xaafadda Xaawo taako ee bariga magaalada Beledweyne ayaa waxaa gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo baaritaano ka sameeyey nawaaxiga goobta.
Saraakiil ka tirsan hay’adda oo warfidiyeenka la hadlay ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday xauntoodu uusan geysan wax khasaaro nafeed ah,waxayna sheegeen in ilaalada xarunta hay’addu ay isku dayeen iney gacanta kusoo dhigaan kooxii falkaa ka danbeeyey balse ay ku guul daraysteen.
Dhanka kale ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa hawlgallo ay ka sameeyeen 4ta xaafadood ee magaalada Beledweyne waxay kusoo qabqabteen 50 ruux oo looga shakiyey iney xiriir la laayihiin kooxda Al-shabaab.
Taliyaha saldhigga booliska degmada Beledweyne Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad Alla ayaa sheegay in dadka ay soo qabteen ay ku tuhunsan yihiin iney xiriir la leeyihiin Al-shabaab,wuxuuna sheegay iney baaritaano ku wadaan dadka ay soo qabteen ciddii danbi lagu waayo ayuu sheegay in xoriyadeeda loo soo celin doono,balse wuxuu hoosta ka xariiqay iney maxkamad la diigsan doonaan dadka ay ku caddaato iney la shaqeeyaan Al-shabaab.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho