Marka{RBC Radio} Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Shabeelaha hoose oo kulamo xiriir ah saacadihii lasoo dhaafay lalahaa madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH maxamuud oo shalay gaaray degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose ayaa madaxweynaha u gudbiyey cabasho ka dhan ah maamulka gobolkaas.
Sida aan wararka ku heleyo waxgaradka iyo odayaasha ayaaa madaxweynaha u gudbiyey cabasho ba’an oo ka dhan ah maamulka uu gudoomiyaha ka yahay C/qaadir Maxamed Nuur Siidii,odayaasha ayaa maamulka ku eedeeyey inuu qaybta ugu weyn ka qaatay dhibaatooyinka ka jira gobolka Shabeelaha hoose.
Odayaasha dhaqanka ayaa ka dalbaday madaxweynaha dowladda in gabi ahaanba laga bedelo maamulka xiligan ka jira gobolka Shabeelaha hoose,waxayna ku eedeeyeen masuuliyiinta maamulka iney masuul ka ahaayeen dagaal beeleedyada ka dhacay gobolka iyo isbaarooyinka daadsan gobolkaas ee shacabka lagu dhibaateeyo,waxayna sidoo kale madaxweynaha ka codsadeen in dowladdu ay wax ka qabato dad ay sheegeen iney guryahooda xoog uga haystaan.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa ka dhegeystay odayaasha dhaqanka gobolka Shabeelaha hoose cabashadooda,wuxuuna u ballan qaaday inuu wax ka qabanayo tabashadooda,madaxweyne Xasan SH ayaa u sheegay odayaash iney miiska soo saaraan maamul ay heshiis ku yihiin iyo ciidamo booliska ah oo dowladdu ay tababar siiso si ay u hantaan sugida nabadgalayada gobolkaas.
Madaxweyne Xasan SH ayaa shaaca ka qaaday ineysan dowladdu raali ka ahayn wax aysan dooneen shacabka gobolka Shabeelaha hoose,madaxweynaha ayaa amar ku bixiyey iney banneeyaan dadka ku jira guryaha aysan lahayn,wuxuuna wacad ku maray in dowladdu ay talllaabo adag ka qaadeyso ciddii isku dayda iney xoog ku haysato hanti aysan lahayn.
Madaxweynaha ayaa maanta maalintii labaad ku guda jira safarka uu ku joogo magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho