Garoowe (RBC RADIO) Isbitaalka weyn ee Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxaa Maanta Dhabar kiisa Dambe lagu dhagax dhigay Xarun u Gaar ah Hooyada iyo dhalaanka kaasi oo loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan hooyooyinka Uurka leh Maadaama hada qaybaha kale ee isbitaalka ay dhanka Adeega Caafimaadka la wadaagaan.
Barnaamijkan waxaa taakuladiisa bixineysa Hay’ada UNFPA iyo tabarucaad laga Aruuriyay Shacabka Puntland gaar ahaan Magaalada Garoowe si loo kaabo Xaruntaasi kadib markii la qabtay Kulamo badan oo looga arinsanayo wax u aruurinta iyo taageerida Mashruucan lagu dhisayo Qaybta Dhalmada iyo Dhalaanka.
Agaasimaha Isbitaalka ahna Iskuduwaha Gobolka ee Wasaarada Caafimaadka Maxamed Xirsi Jamaac ayaa sheegay in ay ka dhabeeyeen Himiladii ay ku taamayeen qorshuhuna uu yahay in Hooyada dhaleysa ay hesho meel u gaar ah oo aan cidina la wadaagin isagoo guul ku tilmaamay in dadku ay taa garwaaqsadeen kana qayb qaateen dhismaha Xarunta wallow uu sheegay in wali aysan fari ka qodnayn oo Taakulada taageerada iyo isgarab istaagaba loo baahan yahay.
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirku xigeenka Caafimaadka Gudoomiyaha Gobolka iyo duqa degmada ayaa madasha ka hadlay waxayna dhamaantood sheegeen in ay tahay waajib bulshada Dowlada Ganacsatada iyo Qurba joogtaba saaran in laga qayb qaato dhismaha Hooyada iyo Dhalaanka taasi oo ay u aayi Doonaan Dhamaan Dadka ku nool Gobolka iyo Hareerihiisa.
Duqa Degmada C/Casiis Nuur Cilmi ayaa si gaara uga digay in Isbitaalka iyo Hareerihiisa dhismaha ku yaal ay dadkale Xirmeystaan ama ay dhisme ka sameystaan isagoo sheegay in cidii lagu arkaa falkaasi talaabo laga qaadi doono,wuxuuna Duqu dalbaday in dhulka ka agdhaw Isbitalka lagu fidiyo Xarumo kale oo Hoosyimaada Isbitaalka oo Bulshada Adeeg weyn u haya.
Madaxda Isbitaalka wayn ee Garoowe oo ay wehliyaan nabadoono Culumo iyo Wax garad kale ayaa si weyn xooga u saaraya in dhismahan sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo idleeyo si Hooyooyinka ay u helaan madal u gaar ah,waxayna dadka Qurbaha ku nool si gaara uga dalbadeen in ay kaalin ka qaataan dhismaha Xaruntan si berito loogu aayo.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.