Muqdisho (RBC) Abu Mansuur Al Amriki oo magaciisa dhabta ah uu yahay “Cumar Xamaami” oo ahaa ninka ugu sarreya ajaaniibta ka barbar dagaalanta Al Shabaab ayaa ku dhawaaqay inuu isaga baxay kooxaha Al Shabaab iyo Al Qaacida isla markaana wax ka dhexeeya aysan jirin.
Al Amriki oo u dhashay wadanka Mareykanka ayaa sheegay inuu weli ku jiro dhuumaaleysi uu isaga ilaalinayo in naftiisa la dhaafsiiyo kadib markii uu dhowr jeer ka badbaaday dil uu soo qorsheeyay hogaamiyaha kooxda Al Shabaab Axmed Cabdi Godane.
Al Amriki wuxuu arrintan ku sheegay wareysigii ugu horreeyay ee uu siiyo warbaahin af Soomaali ku hadasha, isagoo la hadlay idaacadda VOA laanteeda Af Soomaaliga.
“Kama tirsani Al Shabaab iyo Al Qaacida” ayuu si cad u yiri Abu Mansuur Al Amriki oo telefoon lagu wareystay isagoo jooga meel ka mid ah koonfurta Soomaaliya oo uusan sheegin magaceeda.
“Argagixiso ayaan ahay”
Al Amriki waxaa la weydiiyey inuu isagu og yahay ama uu isu heysto inuu yahay nin ka mid ah argagixisada caalamiga ah isla markaana uu ku jiro liiska dadka ay Mareykanka doondoonayaan, wuxuuna sheegay inuu og yahay taasi.
Wuxuu sheegay inuu isu heysto nin argagixiso sida uu isagu isu heysto.
Wuxuu sheegay in sababaha uu uga baxay Al Shabaab iyo Al Qaacida ay tahay in isaga la isku dayey in la dilo, illaa haddana ay doondoonayaan xubnaha Amniyaadka [ciidanka sirta] ee Axmed Godane.
Wuxuu sheegay in mar lagu soo weeraray tuulada Raamo Cadeey ee gobolka Baay uu ku dhaawacmay weerarkaasi oo qorshihiisu ahaa in isaga lagu khaarajiyo, wuxuuna ku eedeeyay Axmed Godane inuu kala firdhiyey dhammaan xubnihii ku jiray Al Shabaab.
Godane waa Siyaad Barre oo kale!
Cumar Xamaami wuxuu sheegay Axmed Godane inuu la mid noqday Sida madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad Barre.
“Godane wuxuu ka leexday mabaadii’da diinta Islaamka. Ururka Al Shabaab wuxuu ka dhigtay urur caburiya dadka Muslimiinta oo dhan, .. Godane wuxuu noqday sida Maxamed Siyaad Barre oo dadka caburin jiray.” ayuu yiri Xamaami.
Xasaaska oo la afduubtay
Al Amriki wuxuu sheegay in labo xaas oo Soomaali ah oo isaga u dhaxay uu qafaashay Axmed Cabdi Godane haddana uusan garaneyn meel lagu hayo.
Wuxuu kaloo sheegay in dad guri ay ku dhuuntaan siiyey labadiisa xaas waqti ka mid waqtiyada la soo qabtay oo uu xiray Axmed Godane dadkaasi isagoo ku eedeynaya inay u gargaareen xaasaska Al Amriki.
Inkastyoo khilaafka Al Shabaab iyo kala cararka xunahooda sarsare uu ahaa mid bannaanka yaalla, ayaa haddana wareysigan wuxuu noqonayaa midkii ugu horreeyay ee mid ka mid ah xubnaha ka horjeeda Axmed Godane uu ka sheego warbaahin caalamka ku taalla, waxayna caddeyn u tahay heerka uu gaaray khilaafka kooxdan u dhexeeya.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho